3918 Views

Maxkamad caddaaladda Europe oo mamnuucday in dumarku shaqada kuxiran karaan Qamaar

Maxkamad caddaaladda Europe oo mamnuucday in dumarku shaqada kuxiran karaan Qamaar
____________________________________________________________________________
Maxkamadda  Caddaaladda Midowga Europe ayaa sharci ka dhigtay in shirkaduhu ay ka mamnuuci karaan dumarka u shaqeeya inaysan xiran Qamaarka madaxa la saarto.
.
Waa kiiskii ugu horreeyay oo dumarka muslimiinta xuquuqdooda laga horyimaado inay ku shaqayn karaan xijaabka.
.
Maxkamadda ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay inay goobaha shaqada ee Europe ay mamnuuc ka tahay in qofku uu soo xirto calaamado muuqda oo muujinaya  Diin, Siyaasad iyo wax lamid ah.
.
Laba shaqaale oo haween ah oo ku kala sugan Belgium & France ayaa kiiskan makamadda ECJ keenay kaddib markay diideen inay qamaarka madaxda ka qaadaan.
.
Labada gabdhood middood waxay u shaqaynaysay shirkadda G4S taasoo sharciga shirkaddaas uu dhigayo in qofku uusan xiran karin calaamado diin muujinaya ama siyaasad ama falsafad kale.
.
Gabadha kale waxay ahayd lataliyaha dhinaca IT-ga waxaana loo sheegay inay qamaarka madaxa ka qaaddo waana diiday iyaduna.
.
Shirkadda G4S oo khilaafka arrinkan uu soo bilowday sanadii 2006 markii hore sharcigoodu kuma qornayn in shaqaaluhu uusan xiran karin calaamado muujinaya xisbi siyaasadeed, diin ama falsafad kale, laakiin sharciga shaqaalaha ayaa wax laga baddalay markay dumarka ka shaqeeya shirkadda bilaabeen inay xijaab xirtaan.
.
Inkastoo sharcigani uu saamayn doono dad badan maxkamaddu waxay tiri, “Go’aankani maaha mid lagu cunsuriyaynayo ama lagu bartilmaammeedsanayo Islaamka iyo diimaha kaleba”.
.
Gabadha shaqaalaha ah ee ku sugan France oo ah  injineerad xagga naqshadda ee shirkadda Micropole, ayaa laga codsaday inay joojiso xirashada xijaabka ama qamaarka,  laakiin waa diiday inay dhigto qamaarka.
.
Maxkamaddu ayaa go’aanka kaddib waxay dib ugu celisay maxkamadda France si arrintan ay u meel mariso oo go’aanku uu yahay mid sax ah iyo dib u eegis in lagu sameeyo  shuruudaha shaqada ee dalka France.
.
 .
 .
 .
 .
 .
.
Maxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway.
Mjfaarah@gmail.com
___________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment