7755 Views

MD Farmajo iyo RW Kheyre oo noqday masagadii u dhexeysay Kasha iyo Moyga!

MD Farmajo iyo RW Kheyre oo noqday masagadii u dhexeysay Kasha iyo Moyga!
____________________________________________________________________________

March 14, 2017

MDW FARMAJO IYO KHEYRE OO NOQDAY

MASAGADII U DHEXEYSAY KASHA IYO MOYGA !

Somalidu waxay tiraahdaa “dha dhanshaa waalan, dhargaase ka darran”

Sida lawada ogyahay waxaa la sugayey in lagu dhawaaqo waqti dhow Golihii wasiirada ee Dowlada cusub, arintan oo noqotay hadal haynta ugu badan todobaaadkan ee shacabku  aad u xiisanayaan, ayaan weli Fari ka qodnayn, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonyahay oo aan ka helnay Madaxtoyada dalka.

Sida la shegay dhisida Golaha wasiirada waxaa hortagan CABASHO iyo HADADAADYO  ay sameynayaan Qabiilo, Siyaasiyiin iyo Dowlado shisheeye, taasina waxay walwal iyo walaac badan ku haysaa Madax Waynaha iyo Ra;isul Wasaraha qaabkii loo dhisi lahaa Golaha wasiirada.

Sida la sheegay Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaraha waxay rabaan in la dhiso Dowlad kooban oo TAYO leh, silo ilaaliyo Qarashka ku baxaya madaxda Dowlada, taasina waxaa hortaagan Siyaasiyiin raba in iyaga ay soo galaan Golaha wasiirada ama hadii ay waayaan in wax laga dhigo dad ay iyaga wataan, iyo Besha caalamka oo rabta in ay iyada soo xusho  shaqsiyaadka noqonaya WASIIRADA si ay u helaan dad fuliya  danahooda gaarka ah.

Tankaloo ka siidaran waxay tahay Qabiiladii Somaaliyeed oo ukala socda JILIB JILIB ayaa Buuxdhafiyey Xafiiska MDX waynaha iyo Ra’isul Wasaraha, iyagoo raba in Jilib kasta uu helo Wasiirka Beesha uu ka dhashay, hadaba waxaa is waydiin leh Madaxdii rabtay in la dhiso Dowlad kooban, suro gal matahay in ay Qabiilkasta u qanciyaan Jilib Jilib, halkii Qabiilse waa meeqa jilib?

Arintan waxay dib u dhac u keentay huru socodka dowlada, waxayna dhalisay wal wal iyo walaac badan, iyadoo ay adag tahay in la qanciyo Qabiil ukala socda jilib jilib, waana arin culeys wayn ku haysa soo dhisida Goalaha wasiirada.

War iyo dhamaan waxan leeyahay MDW iyo RW idinkoo fiirinaya Danta Dadka iyo Dalka soo dhisa dowlada Tayo leh oo la awoodo Qarashkeeda ee yaan la isku dayin in la QANCINYO  QABIIL iyo SIYAASI, fiirsanaya danahood gaar ahaaneed, rabana in aan la gaarin Horumar Guud si looga boxo dhibaatooyinka hortaagan Maslaxada Shacabka iyo sidii loo dhisi lahaa QARAN Somaaliyeed.

Somaalidu waxay tiraahdaa “Ha moodin Gacalkaa Guushaada Ruux Neceb”, oo macnaheedu yahay Qabiilada iyo Siyaasiyiinta waa kuwa fashilin doona dowladnimadiina ee ka DIGTOONAADA.

Mid kalaa waxay leedahay “ Arrad waa dan, usgagse waa doqonimo” oo macnaheedu yahay waa wajib idin saaran in aad dhistaan Dowlad Qarashkeedu yar yahay oo Tayo leh,  ee waa DOQON NIMO in aad dhistaan dowlad u baahan Dhaqaale badan.

Waxaase iswaydiin mudan “Qabiil qaran ma noqonkaraa, Qaran dumayse Qabiil ma lagu dhisi karaa”

Midna ogaada Baadida Somaaliyeed dad badan ayaa doon doonaya oo aan rabin in aad heshaan daa’in abidkiin,

.

W/Q Cumar M. Farax

_________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment