2781 Views

Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen oo xaalad nolol-xumo ka cabanaya – Sawirro

Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen oo xaalad nolol-xumo ka cabanaya – Sawirro
____________________________________________________________________________

Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Xarada Al-kharaj ee dalkaasi Yemen ayaa ssheegay iney ku jiraan xaalad nolol xumo oo aad u daran

Qaxootigan oo u badan dumar iyo carruur badankooda ku dhashay xeradaasi ayaa waxay sheegeen iney haystaan dhibaatooyin la xiriira dhinacyada Caafimaadka, Raashinka, Hooyga iyo Waxbarashada, kuwaasoo dibadbax ka hor sameeyey xarunta hay’adda UNHCR ay ku leedahay magaalada Cadan ee dalkaasi Yemen.

Qaxootiga Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay xaaladooda sii adkaatay kaddib markii ay dagaallada ka soo cusboonaadeen dalkaasi Yemen, kuwaasoo aanan wax gargaar ah helin.

Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Samafalka ayay ka codsadeen in xaaladooda wax laga qabto.

Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Yemen ayaa halkaasi ku noolaa 27-kii sano ee ugu dambeeyey.

qaxootiQax3-681x511

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment