5901 Views

Wararkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirada iyo Shaxda Wasiirada maamulada dalka

Wararkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirada iyo Shaxda Wasiirada maamulada dalka
____________________________________________________________________________

Waxaa socda diyaar garowgii u dambeeyay ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ku doonayo inuu ku soo magacaabo Golihiisa Wasiirada, waxaana durbaba soo baxaya shaxda Wasaarado qaar oo qaab awood qeybsi ah u heleen maamul goboleedyada. Waraka qaar ayaa sheegaya in maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doono Golaha Wasiirada, iyadoo dib u dhac uu ku yimid waqtigii lagu waday in lagu shaaciyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ka hor inta aanay Madaxda dowladda safaro dibadeed ugu ambabixin lagu dhawaaqi doono Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa culeysyo kala kulmaya qabaa’ilka waa weyn iyo Wasiirada muhiimka ah ee ay xusul duubka ugu jiraan, waxaana wararka qaar sheegayaan in Wasiirada muhiimka ah qaab maamul goboleed lagu qeybiyay.

Wararka horu dhaca ayaa sheegaya in Wasiirada ugu muhiimsan ay maamulada dalka u heleen sidan:

1- Puntland: Wasiirka Difaaca

2- Somaliland: Wasiirka Maaliyadda

3- Koofur Galbeed: Arrimaha Dibadda

4- Galmudug: Arrimaha Gudaha

5- Jubbaland: Amniga

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Maamulka Hirshabeelle uu heli doono Ra’iisul Wasaare kuxigeen iyo Wasiir, waxaana la isla dhex marayaa in Wasiirkaas uu noqonayo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.

Illaa saddex haween oo horay uga soo muuqday Xukuumadihii hore ayaa lagu wadaa inay dib ugu soo laabtaan Xukuumaddan cusub, iyagoo helaya xilal muhiim ah.

Ilo wareedyada muhiimka ayaa sheegaya in Wasaarado cusub lagu soo kordhin doono Xukuumadda, sida Dalxiiska, Duurjoogta, Hub ka dhigista iyo dhaqan celinta, Deegaanka iyo aafooyinka.

Dad badan ayaa dhowraya ku dhawaaqista Xukuumaddan, iyadoo durbaba ay soo baxayaan shaqsiyaad loo calaamadeynayo Wasaaradaha qaar.

Xukuumaddan cusub ayaa ka duwnaaan doonta Xukuumadihii hore dalka u soo maray, marka loo eego tirada iyo Wasaaradaha ku soo kordhay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment