2754 Views

DAD XUME NINKII KU YIRAA, DAD LAAWAA LA YIRAA!

____________________________________________________________________________

March 15, 2017

DAD XUME NINKII KU YIRAA, DAD LAAWAA LA YIRAA!

Sida uu inoo sheegay (Rasuulka SCW, Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee), wuxuu yiri “Sadaqada Ma Nusqaamiso Maalka”

Waxaa Alla Mahadiis ah, in Dibada iyo Dalka gudahiisa, si isdaba jog ah looga soo jawaabayo Codsigii Gurmadka Abaaraha ee Sameyey Shacabka iyo Duunyada.

Walaalaha Somaaliyeed waxay mujiyeen Awood dhaqaale iyo mid Naxariiseed, si loogu gurmado Dadka iyo Duunyada dhiban ee abaaruhu wax yeeleen, waana arin aad loogu farxo in la is caawiyo waqtiga la isu baahanyahay si loo bad baadiyo  Shacabka  dhiban ee u bahan gurmadka  walaalahood.

Waxaan leeyahay walaalaha Somaaliyeed meelkasta oo aad joogaan Gurmadkiina sii laba jibaara, si loo gaarsiiyo Gurmadka  walaalaha aan weli la gaarsiin gargaargii ay u baahnayeen.

 

Ugu dambayn waxaan leeyahay walaalaha muuujiyey dadaalka wax ku oolka ah, Allaha idinsiiyo Ajir iyo Xasanaad, Xoolahiinana Allaha idiin barakeeyo, waxaad miijiseen Gacal iyo wanaag aan weli horey loo arag, waxayna daliil u tahay in Somaali isku filan tahay hadii ay midayso Qalbigeeda iyo Is aaminkeeda.

 

War iyo dhamaan waxaan leeyahay “daryeelow dadaal, dumiyow nadaa” , Allow u gargaar u madeena, Geyigeena waxaa lagu arkaa  aanfo nagu reebtay, “Abaar baahday biyo li‘iyo baahi xoog badane, Boqorkii Allow naga dulqaad Baahidaan badatay” Daacadnimada waa lagu hodmaa, hadii laysku darajeeyo ee Somaaliyey aan bixino wixii Alla inagu deeqay.

 

W/Q Cumar Farax

Qaranimo-online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment