3243 Views

Dowladda Soomaaliya ayaa Musaafurisay Ajnabi dalka sharci darro ku joogay iyo Sawiro.

Dowladda Soomaaliya ayaa Musaafurisay Ajnabi dalka sharci darro ku joogay iyo Sawiro.
____________________________________________________________________________

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya ayaa manta dalka ka masaafurisay labo nin oo Kenyan ah.

Raggan Kenyanka ah ayaa lagu eedeeyey iney dalka sharci daro ku joogeen kana shaqeysanayeen.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Qeybta Dabagalka ayaa gacanta ku soo dhigay labadan nin waxaana maanta dib loogu celiyay dalka Kenya.

Hay’adda ayaa labadan nin ka mamnuucday in mar dambe ay dib ugu soo laabtaan dalka waxaana dhaman waaxyaha Hay’adda lagu wargaliyay inay ka foojignadaan cid kasta oo dalka sharci daro ku joogta.

ken_1 ken_2 ken_3 ken_4

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment