3390 Views

Markabkii lagu qafaashay xeebaha Soomaaliya madaxfurasho laga dalbaday

Markabkii lagu qafaashay xeebaha Soomaaliya madaxfurasho laga dalbaday
____________________________________________________________________________

Koox hubeysan oo xeebaha Soomaaliya ka qafaashay markab sida shidaal Isniintii ayaa dalbaday madaxfurasho, sida uu shaaciyay hawlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda.
Maraakiibta dagaalka ee Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa xiriir la sameeyay ragga hubeysan ee afduubtay markabaasi oo lagu magacaabo Aris 13 oo ay maamusha shirkad fadhigeeedu yahay Imaaraadka Carabta.
Burcad badeeda ayaa la sheegay inaysan faahfaahin ka bixinin inta ay dhantahay madaxfurashada ay dalbanayaan.
Markab lagu af-duubtay xeebaha Soomaaliya markii ugu horreysay muddo sanado ah
Waa afdiuubkii ugu horreeyay oo ka dhaca xeebaha Soomaaliya tan iyo sanaddii 2012-kii.
Markabkan oo ka soo shiraacday Jabuuti ayaa ku socday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho markii uu diray qayladhaan isagoo sheegay in doomo xawaare sare ku socdo ay ku soo socdaan. Wixii intaa ka dambeeyayna qalabka lagula socdo dhaqdhaqaaqa markabka ayaa la damiyay.
Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Sri Lanka ayaa xaqiijisay in 8 qof oo u dhashay dalkaasi ay saarnaayeen markabkaasi.
Dableyda markabka afduubtay ayaa masuuliyiinta deegaanka u sheegay inay yihiin kalluumaysato qalabakii ay kalluunka ku jillaabanyeen ay ka burburiyeen doomo waaweyn o si sharci darro ah uga jillaabta xeebaha Soomaaliya.
Cali Shire Maxamed Cusmaan oo ah guddoomiyaha degmada Caluula oo u dhaw goobta lagu hayo markabka la qafaashay ayaa sheegay inuu isku dayayo inuu ogaado in dableydani ay dhab ahaantii yihiin kalluumaysato ama burcad badeed abaabulan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment