5772 Views

Olalaha lacag aruurinta Abaaraha ka taagan bariga afrika ee UK

Olalaha lacag aruurinta Abaaraha ka taagan bariga afrika ee UK
____________________________________________________________________________

Hay’adaha gargaarka ee saldhiggoodu yahay wadanka Ingiriiska ayaa maanta oo Arbaca waxay qabanayaan codsi wada jir ah mucaawino loogu ururinayo malaayiinta qof ee macaluushu ku soo foodsaartay Bariga Afrika.
In ka badan 16 milyan oo qof oo gobolkan ku nool ayaan maalinkaa maanta ah wax ay afka geliyaan aan haysan meel ay ka helaanna aan garanayn, waxaana ugu sii liita caruurta oo qarka u saaran geeri ay gaajo keentay
Abaarta iyo colaada ayaa saameyn ku yeelatay nolasha malaayiin qof wadamada South Sudan, Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, kuwaasi oo si deg deg ah ugu baahan cunto, biyo iyo daaweyn caafimaad.
Gudiga masiibooyinka xaaladdaha deg deg ah ayaa maanta ku dhawaaqaya qaylo dhaan la xiriirta masiibada Bariga Afrika waxaana si toos ah looga baahain doonaa hay’adaha warbaahineed ee ugu waa wayn dalkani UK sida BBC, ITV, Channel 4, Channel 5 iyo Sky.
Lacagaha la urursho ayaa lagu taageeri doonaa dadaalka ay wadaan hay’adaha samaflka ee ka midka ah DEC si loo gaarsiiyo qoysaska iyo bulshooyinka ay waxyeeladu taabatay.
Madaxa fulinta Gudiga masiibooyinka xaaladdaha deg deg ah ee magacooda loo soo gaabiyo DEC Saalax Saciid ayaa yiri;”Dhibaato wayn oo gaajo baaxad ayaa ka soo muuqanaysa Bariga Afrika. In ka badan 800 kun oo caruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ayaa si xoogan u fuuq baxay, haddii la helin daaweyn deg deg ah, waxay halis ugu jiraan qatar macluul dhimasho”, ayuu yiri Salax oo intaasi ku daray: ”Waxaynu maqlaynaa in qoysasku ay u baahan yihiin cunto iyagoo bilaabay cunista caleemaaha si ay u nooladaan, tanina waa mid in qoysna ku sugnaado aysan ahayn”
Gudiga masiibooyinka xaaladdaha deg dega ah ee DEC waxaa xubno ka ah 13 hay’adaha gargaarka ee ugu wayn UK oo ay ka mid yihiin ActionAid, Age International, British Red Cross, CAFOD, CARE International, Christian Aid, Concern Worldwide, Islamic Relief Worldwide, Oxfam, Plan International UK, Save the Children, iyo TearfundLaanta gurmadka degdegga ah ee masiibooyinka ee dalka Ingiriiska ayaa waxay maanta bilaabaysaa Codsiga taakulaynta dalalka Bariga Afrika ee abaaruhu halakeeyeen.
Gudiga masiibooyinka xaaladdaha deg deg ah ayaa maanta ku dhawaaqaya qaylo dhaan la xiriirta masiibada Bariga Afrika waxaana si toos ah looga baahain doonaa hay’adaha warbaahineed ee ugu waa wayn dalkani UK sida BBC, ITV, Channel 4, Channel 5 iyo Sky.
Lacagaha la urursho ayaa lagu taageeri doonaa dadaalka ay wadaan hay’adaha samaflka ee ka midka ah DEC si loo gaarsiiyo qoysaska iyo bulshooyinka ay waxyeeladu taabatay.

Abaaraha Abaaraha2 Abaaraha3 Abaaraha4

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment