3024 Views

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain Boris Johnson oo Villa Somaliya Jooga

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain Boris Johnson oo Villa Somaliya Jooga
____________________________________________________________________________

Waxaa maanta magaalada Muqdisho booqasho aan horey loo sii ogeyn ku yimid Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain Boris Johnson , waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xarunta Madxatooyada Soomaaliya ku qaabilay Boris Johnson , waxa ayna la bada dhinac yeesheen kulan ay uga hadlayeen xoojinta xariirka labada dowladood iyo sidii Britain uga qeyb qaadan laheyd gurmadka abaaraha Soomaaliya.
Waxa ay sidoo kale kawada hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain shir looga hadlayo arimaha Soomaaliy oo la filayo in bisha May lagu qabto magaalada London ee caasimada dalka Britan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain Boris Johnson ayaa sheegay in xiligan Soomaaliya ay horumar wanagasan ka sameeneyso dhinacyo kala duwan sida Dimuquradaiyada, waxa uuna soo dhaweeyay doorashadii uu ku guuleestay Madaxweyne Farmaajo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment