4524 Views

Dagaal xoogan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaysa

Dagaal xoogan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaysa
____________________________________________________________________________

Waxaa xalay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab uu ka dhacay xaafada Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan oo labada ciidan is dhaafsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay bar koontarool oo ciidamada Nabad sugida ku lahaayeen Xaafada Suuqa Xoolaha.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in ay maqleen dhawaqa rasaas culus ay is dhafasanayeen dhinacyada dagaalamayya, dagaalka ayaana socday daqiiqado badan iyadoona markii dambe iskiis u istaagay kadib markii ay dib u gurteen dagaalyahanadii weerarka soo qaaday.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada dowlada fashiliyeen weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen, waxa uuna tilmaamay in weerarkaasi Shabaab khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay.

Waxa uu tilmaamay afhayeenka in dagaalkii xalay lagu dilay dagaalyahno katirsan Al Shabaab uu ku jiro amiirkii Al Shabaab ee xaafada Suuqa xoolaha, waxa uuna intaa raaciyay in sidoo kale ciidamada dowlada Al Shabaab ka furteen hub kala duwan.

Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa ayaa kamid ah goobaha la tilmaamayo in ay ku xoogan yihiin Al Shabaab mararka qaarkoodna ay ka dhacaan weeraro toos ah ay geestaan dagaalyahana hubeesan ee Al Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment