8271 Views

Madaxweyne Farmaajo oo garab istaagay dowlada Turkiga

Madaxweyne Farmaajo oo garab istaagay dowlada Turkiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 16, 2017 – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Garab istaagay Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Tayib Erdogan oo isagu ay colaad kala dhexeyso Dowladaha reer Galbeedka.

Xiisada ka dhex aloosan Dowladaha Turkiga iyo wadamada Reer Galbeedka gaar ahaan wadanka Holland, ayaa u muuqata mid waayadaani danbe soo jiitameysay waxa ayna dadka qaar is weydiinayaan haddalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Somalia oo uu kula saftay dalka Turkiga.

Xiisadda Diplomaasiyadeed ee Dowladaha Turkiga iyo Holland ayaa ka sii dartay, kadib markii Dowladda Holland ay xirtay Wasiirka Arrimaha Qoyska ee Turkiga, Fatma Betul Sayan Kaya isla markaana u musaafurisay dalkeeda.

Xiisada ayaa u dhexeysa Dowladaha Turkiga iyo Holland ayaa waxaa ku biiray Jarmalka, waxaana xiisada iminka lagu fooraariyay Somalia oo garab u noqotay Dowlada Turkiga.

Haddalka kasoo baxay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu muujiyay in DFS ay Garabtaagan tahay Turkiga oo Xiisad ay kala dhaxeyso Qaar kamid ah Wadamada Reer Yurub.

War ay faafisay Safaaradda Turkiga ee Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu Dowladda Turkiga ku taageerayo Go’aanada ay ka qaadatay Xiisadda qaar kamid ah Wadamada Reer Yurub kala dhexeeya.

Warbaahinta Caalamka ayaa buun-buunisay haddalka Madaxweynaha Somalia waxa ayna sheegtay in Somalia ay garab u noqoneyso Dowlada Turkiga oo dhaqaale abuuris ka wada Gudaha Somalia.

Waxa ay sheegen in Madaxweynaha Somalia uu cadeeyay in Dowlada Turkiga ay ku garab taagan yihiin wanaag iyo xumaanba, waxa ayna intaa ku dareen in Somalia ay dib u burburineyso calaaqaadkii yaraa ee kala dhexeeyay Dowladaha reer Galbeedka.

Dhibaatooyinka ka dhalankara haddalka Madaxweyne Farmaajo uu ku taageeray Dowlada Turkiga ayaa kala ah:

  1. In Dowladaha Reer Galbeedka ay ku dhaqaaqaan gaabis dhanka Dhaqaalaha ay siinayaan Somalia.
  2. Inay caqabada ku noqdaan dhinacyada Siyaasada iyo Amniga Somalia maadaama aysan la dhacsaneyn talaabooyinka Dowlada cusub.
  3. In Dowladaha reer Galbeedka ay Ethiopia iyo Kenya ku taageeran faragalinta Somalia iyagoo ka duulaaya naceybka hoose oo ay muujineyso Dowlada Somalia.
  4. Inay xiriirka u gaabiyaan Dowlada Somalia isla markaana qaadacaan tallaabo waliba oo muujineysa Horumarka iyo Hanaqaadka Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu dhaliilay in dhexda uu ka galo Dowladohorumarsan oo iyagu isku heysta arrimo waayadaani ka dhextaagnaa.

Go’aanka uu Madaxweyne Farmaajo ku taageeray Dowlada Turkiga ayaa la rumeysan yahay in Caqabad dhanka Siyaasada ah u horseedi karto Dowlada cusub ee Somalia, waxaana xusid mudan in Dowladaani ay ka mucaarad badan tahay Dowladihii hore marka la’eego ficilada ay muujinayaan Dowlada Ethiopia iyo Somalia.

Dowlada cusub ee Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Mudane Farmaajo ayaa waxaa la gudboon inay ka gaabiso xiisadaha u dhexeeya Dowladaha shisheeye isla markaana ku mashquusho arrimaha khuseeya Dalkeeda.

.

.

Xigasho: Horumar Online

______________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment