4068 Views

Ra’iisal Wasaare Khayre oo la kulmay Shaqaalaha Xafiiskiisa iyo Sawiro

Ra’iisal Wasaare Khayre oo la kulmay Shaqaalaha Xafiiskiisa iyo Sawiro
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan la yeeshay Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wuxuna kala hadlay dar-dar gelinta howlaha horyaala Xukuumadda oo ay hormuud u yihiin shaqaalaha Xafiisku.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda ay ku shaqeeyaan howl-wadeenada, ku xigeenka Xog-yaha Joogtada iyo Agaasimeyaasha Waaxaha xafiiska, iyagoo sheegay in ay la shaqeyn doonaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub, si loo meel mariyo barnaamijyada uu Xukuumadda ku hoggaamin doono.
Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in uu ka shaqayn doono sidii ay u heli lahaayeen Shaqaaluhu xuquuqdooda, iyagana lagula xisaabtami doono shaqada ay ummada u hayaan, ayna qeyb ka tahay qorshaha isla xisaabtanka ee Dawladda.
Waa markii ugu horeysay tan iyo markii Ra’iisal Wasaaraha la magacaabay uu la kulmo Shaqaalaha Xafiiskiisa.
Madaxda dowladda ayaa looga bartay, marka masuul cusub xafiis dowladeed loo dhiibo inuu halkaasi keeno qaraabadiisa iyo dadka ay saaxibada yihiin si ay ula shaqeeyaan.

IMG_7211 IMG_7356

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment