3921 Views

Sarkaal Itoobiyaan ah oo isku dilay Degmada Garbahaarey kadib markii fasax loo diiday

Sarkaal Itoobiyaan ah oo isku dilay Degmada Garbahaarey kadib markii fasax loo diiday
____________________________________________________________________________

Sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidamada Itoobiya ee ku sugan Somaliya ayaa isku dhex dilay xero ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.

Dilka uu isku geystay Sarkaalkaan, ayaa waxa uu dhacay xalay fiidkii, markii sida la sheegay loo diiday Sarkaalkaan fasax uu ka dalbaday taliyihiisa.

Sarkaalka is dilay ayaa la sheegay inuu doonaayay fasax hal bil ah oo qoyskiisa oo ku sugan dalka Itoobiya uu u aado, balse Saraakiisha isaga ka sareysa ayaa diiday fasaxaasi, sida Saraakiil ciidamada dowladda ka tirsan ay xaqiijiyeen.

Wararka waxa ay sheegayaan Sarkaalkaan inuu galay qol ku dhex yaalo xerada ciidamada, halkaasina uu isku dal-dalay, iyadoo mar kaliya laga war helay meydka Sarkaalkaasi oo dhex yaala qolka.

Maanta barqadii ayaa Diyaarad meydka Sarkaalka waxa ay ka qaaday Degmada Garbahaarey, waxaana la geeyay Magaalada Baydhabo, halkaasi oo lagu wado in looga sii gudbiyo Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Weli Saraakiisha ciidamada Itoobiya kama aysan hadlin falkaan isdilida ah ee uu ku kacay Sarkaalkaasi loo diiday fasaxa.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Somaliya ayaa u jooga la dagaalanka Ururka Al Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment