5265 Views

Turkiga oo Xarun lagu tababarayo Ciidanka Xooga dalka ka dhistay Jaziira iyo Sawiro

Turkiga oo Xarun lagu tababarayo Ciidanka Xooga dalka ka dhistay Jaziira iyo Sawiro
____________________________________________________________________________

Dowlada Turkiga ayaa deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho ka wada dhismaha xarun casri ah oo loogu tala galay in lagu tababaro ciidanka Xooga Soomalaiyeed, dhismaha xaruntan ayaana hada maraya heer gabo gabo ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa kormeer ku tagey xaruntan ay u dhistay Dawladda Turkigu Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed , Waxana ay xaruntani soo saari doontaa Saraakiil loo tababarey qaabka casri ah.

Dhismaha Xaruntani oo hadda maraya heer gabo-gabo ah ayaa waxaa lagu wadaa in uu soo dhamaado waqti dhow, si loogu bilaabo howshii loo diyaariyey, waxana Wasiirka iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Turkigu ay kormeer ku sameeyeen guud ahaan qeybaha kala duwan ee ka kooban yahay dhismaha xaruntani.

Mudane Diini ayaa uga mahadceliyey Turkiga taageerada xoogan ee mar walba ay la garab taagan yihiin dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay dhismaha Xaruntani ay door weyn ka ciyaari doonto horumarinta iyo kor u qaadidda tayada Ciidanka, gaar ahaan Saraakiisha oo ilaa iyo Dawlad burburkii aan helin goob kamid ah dalka ay ku tababartaan

asri_2 asri_3 asri_4 asri_5 asri_6 asri_7 asri_8

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment