4278 Views

Jawaari iyo Shariif Xasan oo ku loolamaya Golaha Wasiirada

Jawaari iyo Shariif Xasan oo ku loolamaya Golaha Wasiirada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 17, 2017 –  Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa culeysyo iyo cadaadis aan xad laheyn kala kulmaya Beellaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle oo ku saleysan xulidda xubnaha Wasiirada ka noqonaya Xukuumaddiisa, xilli Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynaha Maamul goboleedka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ay ku wada loolamayaan in shakhsiyaad saaxiibo iyo qaraabo la ah ay ku yeeshaan Golaha Wasiirada cusub.

Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa olole ugu jira in walaalkii ay isku hooyada yihiin Maxamed Xaaji Cabdinuur “Madeer”, Maxamed Xaaji Cabdinuur - MadeerWasiirkii Caafimaadka Xukuumaddii sharciyaddeedu ay idlaatay uu ka soo muuqdo Xukuumadda cusub isaga oo huwan xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda, halka Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu galaangal weyn ugu jiro in Xukuumad salbalaaran la dhiso oo ka kooban tiro 30 Wasiirro ah si fursad ay u helaan shakhsiyaad uu la damacsan yahay in Wasiirro laga dhigo.

Maxamed-Ibraahim-Fargeeti
Maxamed Ibraahim Fargeeti

Jawaari ayaa aad ugu ololeynaya in Maxamed Aadan Fargeeti oo ahaa Wasiirkii Maaliyadda lagu soo darro Golaha Wasiirada.

Ilo Madax banaan ayaa xaqiijinaya in haddii Xukuumadda laga dhigo tiro dhan 25 Wasiirro ama 18 Wasiirro ah ay fogeyn karto damaca iyo faragelinta qaawan ee qaab xulidda Golaha Wasiirada ay ku hayaan Siyaasiyiinta ka soo jeedda gobollada Bay iyo Bakool.

Dhismaha Xukuumad salbalaaran oo beellaha Soomaaliyeed lagu qancinayo ayaa waxa ay meesha ka saari kartaa soo ifbixidda Xukuumad tayo leh oo Wasiirro la aamini karo ay ka soo muuqdaan, waxaana hoos u dhici kara rajada Shacabka ay ka qabaan dowlad guuleysata oo milgaha iyo heybadda dalka soo celisa.

Ra’iisul wasaare Xasan Kheyre oo hore ugu bandhigay Xildhibaannada Aqalka sare iyo Aqalka hoose inay kala doortaan in ay u madax banaaneeyaan xulidda Wasiirro la aamini karo oo howlkar ah iyo in beel waliba ay soo gudbisato ugu yaraan feelasha toban qofood oo u sharaxan hal xil oo Wasiir ah  si uu ugala baxo shakhsi u qalma xilka, si la mid ah Wasiiru dowlayaasha iyo Wasiir kuxigeennada, hayeeshee Xildhibaannada labada Aqal ee beel waliba ayaa waxa ay isku maandhaafeen soo gudbinta liis magacyo ah oo loo kala xusho Wasiir, Wasiiru dowle iyo Wasiir kuxigeen, waxa ayna taasi fursad siisay in Ra’iisul wasaaruhu gudagalo xulid madax banaan oo uu kala tashanayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”.

Ilo wareedka ayaa sidoo kale caddeynaha in kulamo kala gedisan oo ay yeesheen Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay horseeday in la laalo magacyo badan oo ka soo muuqday liisas hore, waxaana tani ay sababtay dib u dhac xilliyo kala duwan oo loo madalsanaa shaacinta magacyada Wasiirada.

Beellaha Hawiye si gaar ah Abgaal iyo Habargidir ayaa loo kala duwi doonaa xilalka, waxaana beelweynta Mudulood ay hanan doontaa xil Ra’iisul wasaare kuxigeen iyo Wasiir Darajo “B” lagu qiimeeyay, halka Beesha Habargidir ay qaadan doonto Wasiir Darajo “A” ku sal go’an.

Si la mid ah Beellaha Dir, gaar ahaan Dirta Waqooyi oo hore loogu sharfi jiray xil Ra’iisul wasaare kuxigeen ayaa warku sheegayaa in ay waayi doonaan, taasi badalkeedana la siin doono Wasiir ku qiimeysan Darajo “A” oo ah mid ka mid ah Wasaaradaha Maaliyadda ama Arrimaha Dibadda.

Sababaha Dirta Waqooyi ay u waayi doonaan xil muddooyinkii dambe ay hanan jireen ayaa weli aan si rasmi ah loo caddeyn, waxaase siyaasiyiinta qaar ay ku sheegayaan in Maamulka la magac baxay “Somaliland” ee waqooyi galbeed dalka aanay si dhab ah uga mid aheyn Xukuumadihii la dhisayay wixii ka dambeeyay qaran burburkii dalka, dakhli iyo canshuuraad dowladdu ka hesho gobollada waqooyi oo aan jirin, si la mid ah ciidamo ku beel ah deegaannadaasi oo u dagaalama amni ku soo dabaalidda dalka oo aanu jirin iyo isfaham buuxa oo awood qeybsi siyaasadeed iyo dhaqaalle oo u dhaxeeya Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo aan weli laga wada hadlin.

Beellaha Dirta “ Koonfur iyo Waqooyi” ayaa waxa ay Dowladda Soomaaliya ka hayaan xilal sare oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Aqalka sare, Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka hoose, Gudoomiyaha Maxkamdda sare, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Agaasimeyaal guud, Talisyo boolis, Milatari,Sirdoon, xilal safiirro iyo diblomaasiyiin ah.

Dadka Soomaaliyeed oo ugu magac dareen dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo magaca “ Dowladda Arbacaaley” sababo la xiriira Madaxweynaha oo la doortay Arbaco, la caleema saaray Arbaco, sidoo kale Ra’iisul Wasaaraga la ansixiyayMaalin Arbaco ah, ayaa dadku aaminsan yihiin in magacyada Wasiirada Xukuumadda uu madaxda ka yahay Ra’iisul wasaare Kheyre la baahin doono Maalin Arbaco ah, lana ansixin doono isla Maalin Arbaco ah.

.

Xigasho: Jowhar

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment