3948 Views

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo qoyskiisa oo saaka ka ambabaxay Muqdisho iyo Sawiro

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo qoyskiisa oo saaka ka ambabaxay Muqdisho iyo Sawiro
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 17, 2017 – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Xasan Shiikh iyo qoyskiisa ayaa ku sii jeeda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyagoo sii raacay dayuurada Turkish Airlines.

Waxaa garoonka dayuuradaha Aadan cadde ku sii sagootiyey masuuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari iyo xubno kale.

Xasan Shiikh oo looga guuleystay doorashadii madaxweynaha Somalia ee dhowaan dalka laga qabtay ayaa waxa uu horey u sheegay inuu muddo kooban oo nasiino ah ka maqnaan doono dalka, uuna ku sii jiri doono siyaasadda.

Madaxweynihi hore ee Somalia Xasan Shiikh ayaa mudadii afarta sano aheyd ee uu xilka hayey lagu xusuustaa waxqabad dadka qaar ay amaaneen kuwo kalena dhaliileen.

bye_xasan_1 bye_xasan_2 bye_xasan_3 bye_xasan_4 bye_xasan_5 bye_xasan_7 bye_xasan_8 Xasan Sheekh

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment