2967 Views

Markabkii xamuulka ahaa ee lagu afduubtay xeebaha degmada Caluula ayaa siidaayay xalay fiidkii

Markabkii xamuulka ahaa ee lagu afduubtay xeebaha degmada Caluula ayaa siidaayay xalay fiidkii
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 17, 2017 –  Dableydii xeebaha degmada Caluula afduubka ugu haysatay markabka xamuulka ah ayaa siidaayay xalay fiidkii, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah raggaasi iyo weliba dadka deegaanka.

Odayaasha deegaanka ayaa sheegay in ay dableyda ku qanciyeen in ay siidaayaan markabka iyo shaqaalaha saaran, isla markaana aanay jirin wax lacag madax furasha ah oo la siiyay.

Markabka oo shidaal siday ayaa dableydu waxa ay Isniintii ka qafaasheen xeebaha Puntland.

Afduubka markabka ayaa ah kii ugu horeeyay ee xeebaha Soomaaliya ka dhaca muddo 5 sano ah.

Ragga afduubka sameeyay ayaa sheegay in ay yihiin kalluumeysato dhibaato badan kala kulmay maraakiibta sidda sharci darrada ah uga jillaabata xeebaha Soomaaliya. Koose Yuusuf Xaaji oo ka mid ah odayaasha gacanta ka geystay in markabka la sii daayo ayaa sheegay in markii la siidaayay ay galbiyeen ciidammada badda ee Puntland.

.

.

___________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment