8865 Views

Sawiro iyo Dad isku dal dalay abaarta ka jirta Somalia darteed kadib markii ay..

Sawiro iyo Dad isku dal dalay abaarta ka jirta Somalia darteed kadib markii ay..
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 17, 2017 – Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in abaarta ka taagan deegaanadeeda ay gaartay heer dadku ay isku dilaan baahi darted.

Maamulka ayaa xaqiijiyay in deegaanadooda ay isku dileen dad ay saameysay abaarta, sida u sheegay Hogaamiye ku-xigeenka.

Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Eng. Camey ayaa sheegay inay xaqiijinayaan in abaarta darteed ay isku dileen lix ruux markii ay ku xoolo waayeen abaarta xooggan ee dalka ka jirta.

“Abaarta waxaa ay sababtay dad inay iyagu nafta is dhaafiyaan oo ay is-dilaan, waana arrin diinta ka soo horjeeda,”ayuu yiri Camey

Waxa uu intaa ku daray “Lix ruux ayaa ilaa hadda la xaqiijiyay inay iyagu is dileen waxaana jira kuwo kale”.
Deegaanada Puntland ayaa ka mid ah deegaannada Soomaalida ee ay abaarta xooggan saameysay, waxaana wali soo baxaya baaqyo caalami ah oo looga digayo inay ballaarato saameynta abaarta.

Dowladaha horumarsan ayaan wali bixin dhaqaalaha ay ugu tallo galeen inay ugu gurmanayaan dadka ay abaarta ku heyso Somalia.

abaaraha abaaraha2 abarha3

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment