3312 Views

Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo Muqdisho soo gaaray.

Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo Muqdisho soo gaaray.
____________________________________________________________________________

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad gaar ah ay la socdaan wafdi uu horkacayo Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat .

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uga hortagay kuna soo dhaweeyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Wasiiro, Xildhibaano katirsan Baarlamaanka iyo saraakiil ciidan.

Gudoomiyaha Midowga Afrika iyo xubnaha la socdo ayaa la filayaa in ay tagaan xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayna halkaasi kula kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo iyo Masuuliyiin kale

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment