4152 Views

Wadooyinka muhiimka Magaalada Muqdisho oo saaka xiran

Wadooyinka muhiimka Magaalada Muqdisho oo saaka xiran
____________________________________________________________________________

Wadooyinka muhiimka Magaalada Muqdisho oo saaka xiran
Waxaa saaka xiran wadooyinka muhiimka u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka Magaalada Muqdisho, iyadoo shacabka Magaalada ay ku soo tooseen xirnaanshaha wadooyinka.

Ciidamada ammaanka oo garwaaxsan qoryaha Ak47 ayaa lagu arkayaa laga bilaabo Isgoyska Sayidka, illaa Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Inta u dhaxeysa Sayidka illaa Banaadir lama ogala gaadiidka rayidka inay maraan, waxaana loo ogol yahay kaliya inay maraan gaadiidka ciidamada dowladda iyo kuwa ay wataan masuuliyiinta dowladda Somaliya.

Sidoo kale Isgoysyada waxaa ku jaran oo yaalla gaadiidka loo yaqaan Cabdi Billaha ciidanka oo dusha ay ka saaran yihiin Saraakiisha ciidamada hogaaminaysa ee wadooyinka xiray.

Illaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee loo xiray wadooyinka muhiimka u ah shacabka, waxaa sidoo kale xiran wadada Via Liberia ee Degmada Waaberi dhex marta illaa Isgoyska Umbulutooriyo Degmada Xamar jajab.

Wararka qaar ayaa sheegaya sababta loo xiray wadada inay tahay in Magaalada Muqdisho uu maanta imaanaayo Gudoomiyaha Midowga Afrika ee dhawaan la doortay.

Dadka waa kuwa lugeynaya oo goobahooda shaqada u sii socda, waxayna marayaan wadooyinka xiran oo lugta kaliya loogu ogol yahay Bulshada.

Hadal haynta dadka ayaa ah in dowladda cusub ee Somaliya aysan wax badan oo isbedel ah ku keenin Siyaasada dalka, maadaama weli ay taagan tahay dhaqanka wado xirista oo loo arko qorshaha ugu muhiimsan ee ammaanka lagu sugi karo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment