6366 Views

Warqado Digniin ah oo lagu daadiyey suuqa bakaaraha + Sawir

Warqado Digniin ah oo lagu daadiyey suuqa bakaaraha + Sawir
____________________________________________________________________________

Digniin CulusDadku sugan Suuqa Bakaaraha Ee Magalaada Muqdisho ayaa waxaa ay inoo sheegeen in Goor dhow Nawaaxiga Mid ka mid ah Shirkadaha bixiya Adeega Internet-ka lagu arkay Warqado Digniin ah.

Warqadaha ayaa waxaa loogu digayaa Shirkada Golobal Internet oo dhawaan keentay adeeg interned oo Simcard lagu isticmaalayo Mobile-ka oo la baxday SOMNET. adeegaan oo ay horey u joojisay Al-shabaab.
Warqadaha ayaa loogu digayaa in shirkadaas ay joojiso adeega cusub ee ay soo kor dhisay waxaana dadka qaatay Simcard ay muujinayaa Baqdin walaac xoogan.
Al-Shabaab ayaa 9-Jan-2014kii Mamnuucan Adeega Internet-ka oo xiligaa lagu isticmaali jiray Mobil-ka gacanta adeegaas oo ay bixin jirtay Shirkada Isgaarsiinta Hormuud.

Wali lama oga shirkada Global Internet waxa ay ka yeeli doonta iyadoo dadkii dhawaan iibsaday walwal ka muujiyeen arintaas.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Qaranimo.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment