3399 Views

Xaalado cakiran oo ka jira dhismaha Golaha Wasiirada!

Xaalado cakiran oo ka jira dhismaha Golaha Wasiirada!
____________________________________________________________________________

Is mari waa adag ayaa ka jira magacaabista Golaha Wasiirada, iyadoo xaalka u muuqdo mid cakiran, kaddib markii uu soo baxay kala aragti duwanaan la xiriira qaabka xulidda iyo tirada laga dhigayo Golaha Wasiirada
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in saacadihii u dambeeyay la isku hayay in Golaha Wasiirada laga dhigo 25 Wasiir, sida ay aheyd labadii Xukuumaddood ee u dambeeyay iyo in la kordhiyo oo laga dhigo 30 Wasiir.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa culeysyada ugu badan ee dhismaha Golihiisa Wasiirada kala kulmaya Madaxweyne Farmaajo iyo saaxibadiisa oo doonaya in xubno ay wataan lagu soo daro Golaha Wasiirada.

Sidoo kale culeysyada iyo xaalada cakiran ee ka jirta magacaabista Golaha Wasiirada waxaa qeyb ka ah loolanka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed, kuwaasoo wata shaqsiyaad kala duwan.

Arrinta kale ee is mari waaga qeybta ka ah waxaa ka mid ah in Ra’iisul Wasaaraha lagu fara gelinayo inuu u madax banaanaado in beeshiisa inuu Wasiiro ka soo xulo, waxaana jira shaqsiyaad dhowr ah oo uu miiska soo saartay in laga diiday.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in sababta la doonayo in Golaha Wasiirada looga dhigo 30 Wasiir ay tahay in lagu qanciyo shaqsiyaad ku dhow dhow Madaxda, iyadoo lagu jaan-goynayo habka awood qeybsiga.

Wararka ayaa intaa ku daraya in laga yaabo liisaskii horay suuqa soo galay iyo shaqsiyaadkii ugu cad cadaa Golaha Wasiirada in meesha laga saaro, isla markaana lagu bedelo boosaskooda rag ay iyaga keensadaan, si ugu yaraan loo yareeyo xaalada cakiran ee ka jirta magacaabista Golaha Wasiirada.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa mudada uu dastuurka u siinayo inuu ku soo magacaabo Golihiisa Wasiirada waxaa ka harsan 12 cisho, waxaana laga doonayaa in todobaadkan gudihiisa ku soo magacaabo, si uu fursad ugu helo maalmaha ka harsan waqtiga laga doonayo in Baarlamaanka ku hor-geeyo Xukuumaddiisa uu u sameeyo galaan-gal ku aadan in la meel mariyo xukuumaddiisa cusub.

Dhinaca kale waxaa iyana la sheegayaa in ka hor inta aanu Madaxweynaha u ambabixin dalka Kenya lagu dhawaaqi doono Golaha Wasiirada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment