10554 Views

Dhismaha xukumada cusub Farmaajo iyo Khayre taladaan iga qaata: Maxay Madaxda Soomaalidu ka baran karaan Paul Kagamaha Rwanda.

Dhismaha xukumada cusub Farmaajo iyo Khayre taladaan iga qaata: Maxay Madaxda Soomaalidu ka baran karaan Paul Kagamaha Rwanda.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 19, 2017 – Waa talo la soo tijaabiyay oo horey u shaqeysay si lo helo Wasiiro leh tayo karti iyo hufnaan. Dalka Rwanda oo ay ka jireen duruufo la mid ah kuwa ka jira Soomaaliya ayaa Madaxweynaha dalkaas Paul Kagame wuxuu in badan ku guuleystay inuu soo dhiso xukuumad tayo leh.

Madaxweyne kagame sida hada haysata Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Khayre ayaa waxaa uu caqabad adag kala kulmi jiray siyaasiyiinta iyo hoggaamiye beeledyada dalkaas oo ku cadaadin jiray inuu wasiiro u magacaabo shakhsiyaad ay wataan, taaso ah caqabada hada haysata Farmaajo iyo Khayre.

Muxuu sameyay Madaxweyne Kagame si uu usoo dhiso xukuumad tayo leh? Siduu xal ugu helay oo uga gudbay caqabadaha ay hordhigeen hoggamiyaasha daneystayaasha ah?

Madaxweyne Kagame wuxuu sameyay inuu ka saxiixo heshiis ama (contract)

Intii u ololeeynaysay oo ku cadaadinaysay xukuumada in wasiiro loogu daro. Heshiiskaasi wuxuu dhigaayey:

1- In wasiirada la magaacbo ay muddo bil ah kusoo gudbiyaan barnaamijkooda waxqabad iyo siyaasada ay rabaan inay ku hoggaamiyaan wasaaradooda. Wasiirkii awoodi waayo shaqada waa laga erin.

2- In dadka ay wataan hadey kasoo bixi waayaan shaqadooda inuu shaqada ka eryi doono oo markaa ka dibna ay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha toos usoo xulan doonaan ciddi ay doonaan iyada oo aan lagala tashan kooxdii keentay wasiirka shaqada laga eryay.

3- Wasiirkii lagu helo Musuq-maasuq in loo diri doono Maxkamad hadii lagu helo denbiga ah xatooyo xoolo qaran inuu mutaysan doono xabsi sidoo kale ay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ku badeli doonaan ciddi ay doonaan. Intaa ka dib maxaa dhacay: Halkaan ka akhriso.

.

.

.

Tixgelin,

W/D. Ahmed Nuur Arlaadi

_________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment