3255 Views

Madaxweynaha Kenya oo booqasho ku yimid Jubbooyinka + Sawiro

Madaxweynaha Kenya oo booqasho ku yimid Jubbooyinka + Sawiro
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa maanta booqasho aan horey loo sii shaacin waxaa uu ku tagey Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoona uu kula kulmay Saraakiisha iyo Ciidamada Kenya, ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.
Madaxweynaha Kenya oo xirnaa dareyska Ciidamada Difaaca Kenya, ayaa markii ugu horeysay booqasho ugu yimid Ciidamada Kenya ka joogga Gobolada Koonfureed ee Somaliya. Ciidamada Kenya, ayaa taliskooda ugu wayn uu yahay Dhoobley.

Madaxweynaha Kenya oo soo kormeeray daafacyada Ciidamada Kenya ku leeyihiin Degmadaasi Dhoobley, ayaa markii dambe hadal u jeediyay, isagoona u sheegay in ay Somaliya u jooggaan la dagaalanka Al Shabaab.

Madaxweynaha, ayaa ereyo ad adag ku sheegay in Ciidamada Kenya looga fadhiyo inaanay cafin, isla-markaana ay kaga takhalusaan Xoogaga Ururka Al Shabaab.

Wuxuu soo hadalqaaday in joogistooda Somaliya ay ku badbaadayan dad badan oo Kenyan ah, isagoona kaga mahadceliyay hawlgalka ay u jooggaan Somaliya, ee ah la dagaalanka Al Shabaab.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu sheegay in dowladda cusub ee Somaliya kala hadli doonaan dardar-gelin dib u dhiska ciidamadeeda, iyana ay dalkoodu dib ugu soo laaban doonaan, kolka Somaliya ay yeelato ciidan kala wareegi kara deegaanada ay ka jooggaan Jubbooyinka.

Waa markii ugu horeysay oo uu soo booqdo Ciidamada Difaaca Kenya ee ku sugan Gobolada Jubbooyinka, tan iyo markii Ciidamada Kenya ay xuduuda ka soo gudbeen, bishii October ee sanadkii 2011-ka.

Booqashada Madaxweyne Kenyatta ee Somaliya waxay ku soo aadaysaa, xilli toddobaadkii hore uu sheegay in Ciidamada Kenya ay baaqi ku sii ahaan doonaan Somaliya.

Booqasho Booqasho1 Booqasho2 Booqasho3 Booqasho4 Booqasho5 Booqasho6 Booqasho93 Booqasho94 Booqasho95 Booqasho96

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment