3999 Views

Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan ayaa u geeriyooday dhaawicii qaraxa + Sawir

Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan ayaa u geeriyooday dhaawicii qaraxa + Sawir
____________________________________________________________________________

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo lagu magacaabo C/qaadir Faarax Bootaan ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax 8-dii bishan loogu xiray gaarigiisa, xilli uu ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa xaqiijiyay in Xildhibaan Bootaan uu ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Nairobi.

Waxaa lagu wadaa in meydkiisa loo soo qaaday deegaanada Puntland, si loogu aaso, waxaana socda qaban qaabo loogu sameynayo aaskiisa.

Marxuumka ayaa dalka Kenya loogu qaaday, markii xaalada dhaawiciisa ay cuslaatay, waxna looga qaban waayay gudaha Puntland.

Al-Shabaab ayaa horay u sheegatay mas’uuliyada qaraxaas, waxaana uu noqonayaa xildhibaankii u horeeyay oo ka tirsan Puntland oo lagu dilo qarax gaarigiisa loogu xiro.

bootaan

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment