4179 Views

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo gaaray dalka Rwanda

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo gaaray dalka Rwanda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 20, 2017 – Wafdi aad u balaaran oo uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/Sare Maxmed Adan Koofi ayaa gaaray Magaalada Kigaali ee Dalka Rwanda.

Wafdigaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa dhamaan Agaasimayaasha lamaha ay Hay’addu ku leedahay Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

Safarkan ay Madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ku tageen Magaalada Kigaali ee Dalka Rwanda ayaa waxaa qeyb ka ah sidii labada Hay’addo ee qaabilsan dhanka bixinta Basaboorada iyo Socdaalada ay isaga kaashan lahayeen Howlaha ay isaga midka ka yihiin.

Sidoo kale Saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada ee uu Hogaaminayo Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa la soo tusi doonaa sida ay u shaqeeyaan Xarumaha Socdaalka iyo Jinsiyadda Dalka Rwanda sida Garoomada diyaaradaha iyo Xaduudaha uu dalkaasi leeyahay.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment