2883 Views

Ciidamada ammaanka oo toogasho ku dilay nin Burcad ahaa

Ciidamada ammaanka oo toogasho ku dilay nin Burcad ahaa
____________________________________________________________________________

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, ayaa toogasho kula dhaqaaqay nin ka mid ahaa labo ruux oo Burcad ahaa oo ku howlanaa dhicista dadka shacabka ah.

Ninkaan ayaa isku dayay inuu ka baxsado gacanta laamaha ammaanka Degmada Yaaqshiid, waxaana lagu furay rasaas taasi oo keentay inuu dhinto, halka nin kale oo la socday ninkaasina la qabtay isaga oo dhaawac ah.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale waxaa u suuragashay inay gacanta ku soo dhigaan qorigii ay isticmaalayeen Burcadaasi iyo mooto nooceeda uu yahay Bajaaj, taasi oo ay u isticmaalayeen dhaca Bulshada.

Burcadda la soo qabtay ayaa laga helay jeebabkooda 11 Moobeel oo ay ka dhaceen Bulshada, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Xalane.

Ninka dhaawaca ah ee Burcadda ka tirsan ayaa iminka gacanta lagu hayaa, sidoo kale qorigii iyo mootadiina waxaa gacanta ku haya ciidamada ammaanka.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe waxaa ku soo badanaayay dhaca loo geysanaayo Bulshada, taasi oo loo adeegsado mootooyinka Bajaajta.

Dadka ku nool xaafaddaha kala duwan ee Magaalada Muqdisho, ayaa xilliyada fiidkii ah ku xarooda guryahooda, maadaama ay ka cabsi qabaan in taleefoonadooda gacanta ah ay ka dhacaan Burcadda Bajaajka u adeegsata dhaca Moobeelada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment