14649 Views

Akhriso Liiska Golaha Wasiirada oo lagu dhawaaqay oo dhameystiran

Akhriso Liiska Golaha Wasiirada oo lagu dhawaaqay oo dhameystiran
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 21, 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow ku dhawaaqay xubnaha Golihiisa Wasiirada oo ka kooban 26 Wasiir iyo Hal Ra’iisul Wasaare kuxigeen, isagoo ku tilmaamay xukuumaddan ay tahay mid loogu tala galay inay gudato waajibkeeda shaqo ee loo igmaday.

Khudbad Ra’iisul Wasaaraha jeediyay ka hor inta aan loogu dhawaaqin Golaha Wasiirada ayaa sheegay in Wasiir kasta oo ka mid ah Xukuumaddiisa lala xisaabtami doono, isla markaana Wasiir walba la ogaan doono hantidiisa.

Waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Kheyre in dalka uu marayo marxalad adag, iyadoo uu ku dhawaaqay in Wasaarad gaar ah oo loogu tala galay arrimaha abaaraha la sameeyay, gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday Baarlamaanka Soomaaliya inay codka kalsoonida siiyaan xukuumadda, isagoo uga mahad celiyay taageerada ay u muujiyeen, sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ayuu ka codsaday inay u soo duceeyaan oo aanay u soo hambalyeeyno ay inoo soo duceeyaan
Halkan ka akhriso Liiska oo dhameystiran:-
MAGACYADA GOLAHA WASIIRADA JFS (complete list ):

  1. Avv. Mahdi Ahmed Guled: Raiisul Wasaare ku xigeen –   Isaaq, Cidegale
  2. Xil. Dr. Iimaan Cabdullahi Cali –  Wasiirka Arrimaha DiintaHadamo
  3. Abdi Farah Saciid –  Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka –  Majeerteen , Ciise Maxmuud
  4. Xil. Abdirahman Beyle –  Wasiirka MaaliyadaGodo-Biirse
  5. Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed – Wasiirka GashaandhigaMirifle / Leysaan
  6. Amb. Yusuf Garaad –  Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamka – Habargidr, Ceyr
  7. Cabdullahi Dahir Osman –  Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta SareXawaadle
  8. Xil. Avv. Cabdi Xoosh – Wasiirka Arrimaha DastuurkaLeelkasce
  9. Amb Jamal Maxamed Hassan – Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarka DhaqaalahaDaarood, Warsangeli
  10. Xil. Maryan Aweyn Jamac – Wasiirka Dekedaha iyo Daadiidka BaddaJareer Weyne, Shiidle
  11. Maxamed Abdullahi Salad – Wasiirka Gaadiidka Circa iyo DhulkaOgaadeyn, Cawilyahan
  12. Eng. Abdi Canshur Hassan – Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo TeknoloojiyadaBaadi Cadde.
  13. Xil. Sheikh Nur M’ed Hassan –  Wasiirka Xanaanada XoolahaDir, Biyamaal
  14. Khadra Ahmed Duale – Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo WarshadahaIsaaq,  Habar Jecle
  15. Xil. Cabaas Abdullahi Sheikh Siraaji – Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u DhiskaMirifle Hubeer
  16. Deeqo Yassin Haji Yusuf –  Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul InsaankaDir, Surre
  17. Xil. Ing. Cabdirashid Mohamed Ahmed – Wasiirka Patroolka iyo MacdantaGendershe
  18. Mohamed Abukar Islow Ducaale –  Wasiirka Amniga GudahaAbgaal , Harti , Obokar
  19. Xil. Saciid Hassan Ciid – Wasiirka BeerahaCarab Saalax
  20. Dr. Fowzia Abiikar Nuur – Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka BulshadaGaaljecel
  21. Dr. Cabdirahman Mohamed Cadde Hashi –  Wasiirka Kaluumeysiga iyo Qeyraadka BaddaDhulbahante
  22. Xil. Khadiijo Mohamed Diiriye – Wasiirka Dhalinyarada iyo IsboortigaYaxar
  23. Eng. Cabdirahman Omar Osman – Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha – Abgaal,  Daa’uud
  24. Avv. Hassan Hussein Haji – Wasiirka CadaaladaGarre
  25. Xil. Saleh Ahmed Jaamac –  Wasiirka Shaqada iyo ShaqaalahaHabar Yoonis
  26. Xil. Prof. Salim Aliyow Ibrow –  Wasiirka Korontada iyo BiyahaDigil, Jiido
  27. Drs. Maryan Qassim Ahmed – Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta MusiibooyinkaReer Xamar

1

2

3

4

5

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment