2874 Views

Jahwareer is mariwaa ka taagan magacaabista golaha wasiirada

Jahwareer is mariwaa ka taagan magacaabista golaha wasiirada
____________________________________________________________________________

Jahwareer iyo hubanti la’aan ayaa hareeysay xafiista raiisul wasaaraha soomaaliya kadib markii loo yeeray saxaafadda xalay 9kii galabnimo si loo shaaciyo golaha wasiirada cusub taasoo mar kale dib u dhac ku yimid kudhawaaqistii iyadoo aanan la sheegin waxa sababay arrintaas inkastoo loo maleynayo inuu jahwareer ka taagan yahay xulashada xubnaha oo daqiqad kasta is bedelaya inta badanna jahwareerkaas ay ka dhex jirto beelo wato shaqsiyaad kala duwan iyo wasaaradaha lagu qorayo oo iyagana la isku haysto.

Haddaba wararka ugu danbeeyo ayaa sheegayo in maanta oo talaado ah lagu dhawaaqi doono, halka warar kalena ay sheegayaan in maalinta arbacada dib loogu dhigi doono mana jirto cid si rasmi ah u xaqiijin karto arrintaas.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment