9018 Views

War Deg Deg Ah: Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo hada lagu dhawaaqay

War Deg Deg Ah: Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo hada lagu dhawaaqay
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow ku dhawaaqay xubnaha Golihiisa Wasiirada oo ka kooban 26 Wasiir iyo Hal Ra’iisul Wasaare kuxigeen, isagoo ku tilmaamay xukuumaddan ay tahay mid loogu tala galay inay gudato waajibkeeda shaqo ee loo igmaday.
Khudbad Ra’iisul Wasaaraha jeediyay ka hor inta aan loogu dhawaaqin Golaha Wasiirada ayaa sheegay in Wasiir kasta oo ka mid ah Xukuumaddiisa lala xisaabtami doono, isla markaana Wasiir walba la ogaan doono hantidiisa.

Waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Kheyre in dalka uu marayo marxalad adag, iyadoo uu ku dhawaaqay in Wasaarad gaar ah oo loogu tala galay arrimaha abaaraha la sameeyay, gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday Baarlamaanka Soomaaliya inay codka kalsoonida siiyaan xukuumadda, isagoo uga mahad celiyay taageerada ay u muujiyeen, sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ayuu ka codsaday inay u soo duceeyaan oo aanay u soo hambalyeeyn.o ay inoo soo duceeyaan

1- Avv. Mahdi Axmed Guuleed Khadar Ra’iisul Wasaare kuxigeen

2- Cabdi Faarax Juxa Wasiirka Arrimaha Gudaha.

3- Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda

4- C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda

5- C/raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Dastuurka

6- Amb. Jamaal Hassan Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga

7- Maryan Aweys Wasiirka Dekedaha

8- Eng. Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada

9- Maxamed C/llaahi Salaad Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka

10- Khadra Axmed Ducaale Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha

11- Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga

12- Cabaas Siraaji Wasiirka Howlaha Guud

13- Maryan Qaasim Wasiirka Arrimaha Gargaarka

14- Deeqa Yaasiin Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka

15- C/raxmaan Cabdi Xaashi Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka

16- Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha

17- Eng. C/raxmaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment