5448 Views

Talooyin muhiim ah oo kusocda Madaxweyne Farmaayo iyo RW Khayre

Talooyin muhiim ah oo kusocda Madaxweyne Farmaayo iyo RW Khayre
____________________________________________________________________________

Somaalidu waxay tiraahdaa “war helaaba tala hela”

Muqdisho | March 22, 2017 – Sida la wada ogyahay waxaa la magacaabay Golihii wasiirada, waxaana la filayaa in mar dhow la horgeeyo labada Gole ee Baarlamaanka si loo ansixiyo,  loona dar dar geliyo wax qabadka  laga sugayo wasiirada la magacaabay.

Hadaba waxaa jira warar aanu ka helnay ilo muhiim ah, wararkaas waxay sheegayaan in ay jiraan DHALIILO laga qabao shaqsiyaad lagu soo daray Golaha wasiirada in ay yihiin shaqsiyaad aan u QALMMIN Jagooyinka loo magacabay, haday noqon lahayd, ANSHAXA, Aqoonta iyo waya Aragnimadooda siyaasadeed.

Hadaba, Waxaan halkaan ku soo gudbinaynaa, talooyin aan is leenahay waa Muhiim, wax bandanna u tari doono Dalka iyo Dadka.

  • MD, waynaha iyo R, Wasaraha waa in ay Sharci ka dhigaan in Shaqsi kasta oo wasiir ah laga SAXIIXO FOM LAYIRAADO (AN SHAXA IYO ASLUUB WANAAGA “Cord of Conduct” it means Moral values and Islamic Rights ), waayo waxaa jira shaqsiyaad mar walba lagu arko Hoteelada ama Xafiisyada Dowlada iyagoo laga dareemayo dhaqano aan ku fiicnayn Diinta Islaamka, Anshaxa iyo Dhaqanka Suuban. Sidaasi darteed Qof kasta oo Masuula waa in ay MAMNUUC ka tahay in lagu arko goobaha Bulshada isugu timaado isagoo am iyadoo laga dareemayo ANSHAX XUMO AMA la Ogaado in uu ka soo baxay ama ka soo abxday meelo aan ku haboneyn Sharafta Xilka loo dhiibay.
  • Wasiir kasta waa in uu saxiixaa fomka “Ilaalinta Xuquuqda Shacabka iyo Dalka” it means to stay away illegal Spying” , wasiirkii ama Xildhibaankii lagu helaa in uu u Basaaso Sirta Dowlada wadamada Shisheeye ee ay ka heystaan Basaborada ama kuwa ay kala dhaxeyaan DANO Dhaqaale, waa in si deg deg ah shaqada looga qaado, lana soo Taago Maxkamad Qiyaamo Qaran.
  • Wasiir kasta waa in uu ilaaliyaa HANTIDA qaran ee lagu aaminay, waana in uu u Cadaalad falaa shaqaalaha ka shaqeeya Hey’adiisa.
  • Waa inay wasiirada SAACAD ku soo galaan shaqada, Saacadna kaga baxaan, ee ma aha in wasiirkasta lagu arko Hoteelada laga Qaxweyo Saacadaha Shaqada.
  • Waa in la xadidaa Safarada wasiirada iyo Xildhibaanada, waayo mar walba waxaad arkaysaa, iyadoo shaqo laga rabo in ay aadaan safaro aan muhiim u ahayn Qaranka, waxaana ku baxa Qarash iyo waqti muhiim ah.
  • Xildhibaanada labada Gole waa in ay si fiican mar walba isha ugu hayaan Dhaqanka iyo Shaqada uu hayo wasiir kasta, si loo kor dhiyo wax qabadka dowlada, waayo waxaa tihiin ilaaliyaha wax qabadka dowlada, waana in aad sheegtaan wixii Ammaan iyo Dhaliil ah.
  • Waa in labada Gole iyo Dowladu ka dhexeysaa wada shaqeyn ku saleysan AQOON IYO ASLUUB Wanaag, si wax looga qabto Soo celinta Ammaanka iyo kala dambeynta, si loo helo Nolol iyo Nabad waarta.
  • Waa in Gacan adag lagu qabtaa Cid kasta ee isku dayda in ay hor istaago Horumarka Dadka iyo Dalka, iyadoo la adeegsanayo CADAALADA.
  • Waa in shaqo loo abuuro Dhalinyarada, si loo yareeyo Tahriibka iyo Falalka Xun ee ay galaan Dhalinyarada.
  • Waa in dowladu bill kasta ay bixisaa Mushaarka Ciidamada iyo Shaqaalaha, waana in ay noqdaan Ciidan QARAN oo lahubo iyo Shaqaale Qaran oo la hubo, waayo waxaa Mushaar la siiyaa Ciidamo Beleedyo iyo Shaqaale aan joogin Shaqada.
  • Waxaa jira Baahi badan oo looqabo CAAFIMAADKA iyo WAXBARSHADA, shacabka waxay aad ugu dhib qabaan Isbitalada Barayfitka iyo Iskuulada Barayfitka ah, waayo ma awoodaan in ay bixiyaan lacagaha ku baxa Caafimaadka iyo Waxbarashada maadaama uu san jirin dhaqaale soo gala bill kasta.
  • Waa in ay Dowlada Furtaa Xarumo lagu barto Farsamoyin Shaqo abuur ah, si loo helo Dhalinyaro badan oo aqoon u leh shaqooyin badan ama Xirfado badan oo kala duwan.
  • Laamaha kala duwan ee Ciidamada waa in ay shacabka ula dhaqmaan Si NAXARIIS iyo ASLUUB ah, Askarigii ku xad gudbo Qof shacab ah waa in si deg deg wax looga qabtaa, iyadoo la horkeenayo SHARCIGA.
  • Hogaamada laamaha kala duwan ee Ciidamada waa in ay Noqdaan Shaqsiyaad aqoon u leh Hogaanka Ciidamada, si loo sugo ammaanka shacabka.
  • Lamaha kala duwan ee dowlada waa in ay ku saleeyaan Aqoon iyo Naxariis CANSHUURTA ay qaadayaa.
  • Waa in si deg deg ah loo soo celiyaa Hantida Qaranka ee isugu jirta Mid maguurta ah iyo mid Cash ah.

Ugu dambeyn, waxaan rajaynayaa in ay talooyinkan noqon doonaan kuwo wax tar u leh Horumarka Dalka iyo Dadka, waxaana leeyahay ka qaata wixii anfac u leh shaqada aad u haysaan umada.

Shaqsi kasta ee u leh awood aqoon iyo mid waya aragnimo, waxaan leeyahay ku caawi Dalkaaga iyo Dadkaaga, si aad u hesho Raxmada Rabbi, kuna soo hagaaji “Qaranimo-online”.

Somaalidu waxay tiraahdaa “Nabadaa Naas la Nuuga leh” ee Allow nasii Nabad waarta iyo Nollol Sharaf leh.

.

W/Q Cumar Farax

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment