4866 Views

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Kenya maxay kabedeli doontaa xiriirka labada dal?

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Kenya maxay kabedeli doontaa xiriirka labada dal?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | March 23, 2017 – Somalidu waxay tiraahdaa “nin xaaska raba, lama yiraahdo Gabadhayda aan ku siiyo”

Sida la wada ogyahay Somaaliya iyo Kenya, waxaa ka dhaxeeya XARIIR AAN FIICNAYN oo gacan ku Rimis ahaa, sababtoo ah markii hore ma loo marin sidii Sharciga aheyd ee ay uwada dhaqmaan laba dal oo DERIS ah ama uu ka dhexeyso iskaashi caalami ah, si loo ilaaliyo DANAHA labada dal.

Kenya waxay ka fa’idaysatay Burburkii Somaaliya iyadoo garab ka heshay shaqsiyaad sheeganaya in ay yihiin masuuliyiin matasha MASIIRKA Shacabka Somaaliyeed, waxayna ku xad gudubtay Xiriirka Caalamiga ah ee ka dhexeeya labada wadan iyo Xuquuqda derisnimada, waxayna ilaa hada si TOOS ah iyo si DADBAN u rabtaa in ay maamusho danaha umada Somaaliyeed iyo Xuriyada Dalka Somaaliyeed, waxayna marin ka dhigataa Beesha Caalamka iyo Shaqsiyaad u shaqeeya Qaranka Somaaliyeed.

Kenya waxay rabtaa in ay Xoog iyo Xeelad ku Qaadato Khayraadka Somaaliyeed, waxayna u soo martaa meelo kala duwan oo u fududeeya Danaheeda, waxayna inta badan Halqabsi ka dhigataa, waxaan hayaa Qaxooti Somaaliyeed, lakiin weli lama MAQAL Kenya oo ka hadleyso ama ka Mahad celineyso MAALGELINTA laga sameeyey Dhulkeeda gaar ahaan ISLIYA oo ah meesha ugu dhaqaalaha badan dalka Kenya oo dhan.

Mida kale Kenya Qaxootiga in ay magan GELYO siiso iyada ayaa dan ugu jirtaaa, waayo waxaa jooga dalkeeda dhamaan Hey’adaha Caawiya Qaxootiga Africa, sidaasi darteed wixii QARASH ah ee ku baxa qaxootiga wuxuu si toos ah ugu noqdaa dalkeeda, sida ay shegeen Hey’adaha wax Caawiya qaarkood “waxaa la cadeeyey in aysan helin 100% Qaxootiga gargaarkii loogu tala galay, Xerooyinka inta badan waxaa ka jira BIYO XUMO, CAAFIMAAD XUMO iyo AMAAN XUMO, dadka qaarna waxay shegeen in aysan helin “GARAAMKII” loogu tala galay noloshooda, taasina waxay DALIIL ama CADAYN u tahay in si dadban “misused” loo isticmaalo  Dhaqaalaha loogu tala galay Qaxootiga ku jira Xerooyinka, waxaana la Cadeeyey in ay si qaldan u isticmalaan dhaqalaha shaqsiyaad u shaqeeya Besha caalamka iyo NGo-yada jooga dalka Kenya.

Waxaa intaas dheer, Sharaf Xumada ay Kenya ku sameyso Basaborkeena ” helida Visaha”, 2- Diyaradaha lagu dejiyo wajeer ee lagu cadaadiyo Shacabka iyo 3, Dollar lagu bedesho “JAAD”, waxaa kaloo mudan in la XUSO diyaaradaha Kenya si toos ah ayey uyimadaan Somaliya, Visaha waxay ka qataan Airboradeena, mana la dhibo dadkeeda!!!.

Ugu dambeyn waxaan leeyahay Madaxweyne Farmaajo, waa in aad noqotaa shaqsi la Xisaabtami karo Beesha Caalamka iyo Dowlada Kenya, waayo Somaalidu waxay tiraahdaa “Dhur waagii qaad qaad bartay, ka dhigay waa ku dhib”, waxaa caado noqotay in Sanad kasta la soo saaro warbixin lagu sheegayo dhaqaalaha ku baxa Qaxootiga Somaaliyeed, si dadka deeqaha bixiya loo tuso Cadeyn magac uyaal ah oo aan JIRIN, si ay u helaan deeq kale NGo-yada

Waxaa mudo aad u dheer dadaal loogu jiray in aysan Somaali soo CESHAN SHARAFTII iyo KARAAMADII ay laheyd, iyadoo la adeegsanayo shaqsiyaad u dhashay Somaali, Taasina waxay Dhalisay shacabka Somaaliyeed in ay ku muujiyaan Dorashadaadii in ay weli yihiin Dad iyo Dal jira oo aan la xaqiri Karin jiritaankooda.

War iyo dhamaan Madaxweyne waa in aad si CAD u diidaa,waxii aysan ku jirin DANTA DALKA iyo DADKA adigoo adeegsanaya AQOONTA iyo XELADAHA SIYAASADA, waana waa jib ku saaran in aad fuliso balantii aad qaaday, adigoo ilaalinaya Sharaftaada iyo Sharafta Shacabka, waxaadna ku Tusaale qaadataa “in Alle bixiyo “CIZIGA iyo KARAMADA” Maalintii lagaa wacay KAMBALA ee lagugu QASBAY in aad is CASISHO ama si Xoog ah lagaaga qaado Xilka”, ma fileysay in aad Mar uun noqon doonto Hogaamiye Tariikh ku leh Xusuusta umada Somaaliyeed iyo Caalamka?, waxaa tusaale kuugu filan Dhawaqii Madaafiicda laga riday laga soo bilaabo RAAS CASEYR ilaa RAAS KABOONI ee kursiga yuu kula Qiimo badnaan, midna ogow kursi aan Karaama lahayn Alla ku dhaafiyaa la yiraa!!.

Mid kalena ogow, Somaalidu waxay tiraahdaa “nin fadhigaaga u jeedi wayey, istaaga looguma daro”, Somaali way jiri doontaa inta Aduunkan jiro ee kala dooro DARAJO CIZI leh ama DARXUMO GUMAYSI leh.

.

W/Q Cumar Farax

Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment