5307 Views

Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru

Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru
____________________________________________________________________________

Nairobi | Maarso 23, 2017 –  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay Madaxtooyada Kenya halkaas oo ay ku wada saxiixdeeyn heshiiska dhawra ah.

Haddaba sidii la filayey labada madaxweynaya ayaa qabtay Shir Jaraa’id oo ay uga hadlayeen waxyaabihii ay wada hadleyntii iyo noocyada heshiisyada la kala saxiixday oo aad muhiim u ahaa.

Uhuru markii uu soo dhaweeyey Farmaajo kadib wuxuu sheegay inay Soomaaliya tahay wadan muhiim ah oo mudan in lala sameysto xiriir wanaagsan iyo mashaariic isla markaasna ay Kenya Soomaaliya u aragto saaxiib dhaw, wuxuuna xusay inay labada dowladood wadaagaan  danooyin labada dhinac faa’ido ugu jirto.

Uhuru ayaa sheegay in isaga iyo Farmaajo ay isku afgarteen isla markaasna si niyad furan ay ugu balameyn inay ka wada shaqeeyaan sidii uu xiriirka labada dowladood u noqon lahaa mid wanaagsan isla markaasna la isku furo xuduudaha Buulo Xaawo iyo Dhoobley si ay dadweynaha labada dowladood isugu dhaafi lahaayeen si nabadgelyo ah.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay si dhow ay labada dal uga wada shaqeyndoonaan arrimaha ammaanka, isla markaana ay bilaabi doonaa duulimaadyo toos ah, wuxuuna ballan qaaday in duulimaadka ugu horeeyay muddo labo isbuuc gudahood ku bilaaban doono, waxayna Diyaaradaha Muqdisho ka tagto si toos ah uga dagi doontaan garoonka Nairobi.

Labada madaxweyne ayaa ka heshiiyey arrintii ugu muhiimsaneyd oo ah in dadka Soomaaliyeed lagu dhibo dal ku galka Kenya gaar ahaan dadka heysta baasaboorada Servive iyo Diplomatic, waxaana lagu heshiiyey in dadkaa Viisaha lagu siiyo gudaha garoomada Diyaaradaha Kenya.

Viisaha Kenya ayaa ahaa mid la sugo ilaa 3 bil, balse hadda waxaa lagu heshiiyey in dadka heysto baasaboorada kor ku xusan ay si dhib la,aan ku helaan Visaha.

Dhanka kale waxaa shirkaas Jaraa’id ka hadlay  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo sheegay in dowladda Kenya ay tahay dowlad deris la ah Soomaaliya, isla markaana ay ka mid tahay saaxibada ugu weyn ee dalalka deriska ku leedahay, ayna muhiim tahay weliba inay isku xirnaadaan.

Farmaajo ayaa ballan qaaday inuu dowladda Kenya si dhaw ula shaqeyn doono, isagoo ku amaanay inay 20-sano marti gelineysay xaqootiga Soomaaliyeed ayna taas uga mahadcelinayaan.

Farmaajo-uhuru-shirka-jaraaid-2

Farmaajo ayaa ku baaqay in si qalbi furnaan ah labada dowladood isaga kaashadaan arrimaha horumaria, sida ammaanka, la dagaalanka Al-Shabaab iyo sidii dadka Soomaaliyeed looga saari lahaa Abaarta.

Wuxuu Kenya ku tilmaamay inay tahay dowlad ay Soomaaliya kala dhaheeyaan ganacsiyo iyo Iskaashi dhaqaale, wuxuuna dhankiisa ballan qaaday inuu sii xoojin doono xiriirka labada dowladood.

Madaxweynaha Soomaaliyeed  Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Uhuru ka dhaadhacsiiyey in la isku furo isku socodka Nairobi iyo Muqdisho wuxuuna yiri :”  Waxaan soo dhoweenayaa dib u bilaabashada duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi, taasoo qeyb ka ahaa heshiis horay dowladdii horay ula saxiixatay dowladda Kenya, iyadoo dadka Soomaaliyeed ee diyaaradaha ka soo raaca Muqdisho ay dhib ku qabaan baaritaanada ay ku maraan magaalada Wajeer”.

Farmaajo-uhuru-shirka-jaraaid-1

Ugu dambeyntii Sawirada Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sharaxay gudaha iyo banaanka Madaxtooyada Kenya taasoo muujineyso inuu Uhuru doonayo dib usoo nooleynta xiriirka labada Dowladood.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta loo riday 22 madfac oo soo dhaweyn ah waxaana hadda la saadaalinayaa inuu wanaagsanaan doono xiriirka labada dowladood

Haddaba halkaan ka daawo Muuqaalka Shirkaan Jaraa’id iyo sawiradii laga diiwaan geliyey:

Farmaajo-uhuru-shirka-jaraaid

.https://www.youtube.com/watch?v=kERuzYdmSGM

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment