3630 Views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Booqasho Rasmi ah Ay Uga Bilaabatay Dalka Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Booqasho Rasmi ah Ay Uga Bilaabatay Dalka Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | 22ka Maarso, 2017 – Madaxweynaha Jahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, halkaas oo uu ku joogi doono booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo 3 maalmood.

Madaxweynaha waxaa gegida diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Marwo Aamina Maxamed, Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale iyo Wasiirro kale oo ka tirsan dowladda Kenya.

Madaxweynaha ayaa berri oo Khamiis ah la kulmi doona dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta, waxa ayna ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal. Waxaa kale oo dhici doona kulamo ay yeelanayaan ganacsatada labada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka qeyb gali doona Shir-madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo 25-ka bishan ka dhici doona magaalada Nairobi, kaas oo diiradda lagu saari doono arrimo dhowr ah oo gobolka khuseeya oo ay ugu horreyso arrinta qoxootiga.

farmaajo-kenya-4 farmaajo-kenya-1 farmaajo-kenya-3 farmaajo-kenya-2

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment