3006 Views

Weerar ka dhacay London oo dad shacab ah ku dhaawacmeen

Weerar ka dhacay London oo dad shacab ah ku dhaawacmeen
____________________________________________________________________________

London | Maarso 22, 2017 – Askari bilays ah ayaa toori lala dhacay meel u dhow xarunta baarlamaanka London, waxayna bilaysku tilmaameen inay lasoo gudboonaatay xaalad argaggixiso.
Waxaa la sheegay ninkii falkaa ka dambeeyay inay bilaysku ku toogteen buundada Westminster.
Xildhibaannada oo markaa ku sugnaa aqalka baarlamaanka ayaa tilmaamay inay maqleen illaa afar jeer oo xabado ah, waxaa baarlamaanka waqtigaas ku sugnaa raysalwasaaraha UK Theresa May.
Markii rasaasta la maqlay waxaa ciidamada baarlamaanka ilaaliya, madaxda & shaqaalaha lagu wargaliyay inaysan dibadda usoo bixin.
Tom Peck, oo ah tifafatiraha wargayska Independent ayaa bartiisa Twitter ku qoray, “Waxaan maqlay dhawaaq xabad iyo qaylo, kaddibna ciidamo boolis ah ayaa meel walba soo istaagay”.
Wariye kale oo la yiraahdo Andrew Woodcock oo goobta ku sugan ayaa yiri, “Waxaan maqlay xabado iyo qaylo bannaanka xafiiskayga waan eegay waxaan arkay dad gaaraya 40 ilaa 50  qof oo kala cararaya buundada u dhow aqalka baarlamaanka, waxaan u gartay inay wax ka cararayeen”.
Wuxuu kaloo wariyuhu tilmaamay, “Buundada bartankeeda markii dadku soo gaareen waxay dadku la kulmeen askar bolis ah oo goobta difaac ka xirtay, dadkii waxaa daba socday nin toori sita, kaddib waxaan maqlay rasaas,  waxaan kaloo arkay illaa 2 qof oo dhulka yaala kuwa kalena ay u ordayaan inay dadkaas caawiyaan”.
Bilayska ayaa dadka ka codsaday inay ka dheeraadaan halka mashaqadu ka dhacday.
Goobjooge la yiraahdo Radoslaw Sikorski kana tirsan xarunta daraasaadka Yurub ee Harvard ayaa bartiisa Twitter soo dhigay muuqaal ay ka dhexmuuqdaan dad dhaawac ah oo yaala buundada Westminster, wuxuu muuqaalkiisa ciwaan uga dhigay “Gaari ayaa buundada Westminster ku jiiray illaa 5 qof”.
Gaadiidka dadweynaha sida tareemada hoosmara buunadada Westminster ayaa la hakiyay markii rasaastu dhacday, waxaa kaloo boosteejooyin kale loo wareejiyay basaskii dadweynaha ee halkaa iman jiray.
Gargaarka degdegga ah oo loo adeegsanayo diyaarad helikobter ah ayaa dadkii dhaawacmay lagaga qaadayaa goobta dhibku ka dhacay.
.
.
Maxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway.
Mjfaarah@gmail.com
_____________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment