2871 Views

Arin ay kuwada farxeen shacabka Soomaaliyeed oo laga soo warinayo qaybo kamidah gobalada dalka

Arin ay kuwada farxeen shacabka Soomaaliyeed oo laga soo warinayo qaybo kamidah gobalada dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 24, 2017 –  Wararka naga soo gaarayo degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe waxa ay sheegayaan in tuulooyin hoostaga degmadaasi uu ka curtay roobka guga.

Dadka  kusugan dagamada mahadaay ee goblka shabeelada dhexe ayaa ku soo waramay in deegaannada uu roobka guga ka curtay ay ka midyihiin Ceel baraf, Miir-taqwa iyo kuwa kale sida uu Warbaahinta u xaqiiyay guddoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax.

Dadka ku nool deegaannada uu roobka Guga ka curtay ayaa ahaa kuwa ay heysatay biyo la’aan, isla markaana u baahnaa Raxmadda Alle, kaddib markii ceelkii ay biyaha ka cabi jireen ay duugeen Al-Shabaab halka kuwa qaarna ay sun kaga shubeen.

Dadka iyo duunyada ayaa ku diirsaday roobka Guga ee ka curtay deegaanno hoostaga degmada Mahadaay.

.

.

W/Q :BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment