4791 Views

Ciyaaryahan ku dhawaaqay magaca ciyarayahanka kaliya ee uu ka xulan lahaa Real Madrid

Ciyaaryahan ku dhawaaqay magaca ciyarayahanka kaliya ee uu ka xulan lahaa Real Madrid
____________________________________________________________________________

Muqdisho |Maarso 24, 2017 | Qaranimo Online – Ivan Rakitic iyo Luka Modric ayaa ah saaxiibo heer caalami ah oo kawada tirsan xulka Croatia.

Ivan Rakitic ayaana ku tilmaamay saaxiibka ugu fiican ee kubadda cagta uu ku leeyahay xiddiga khadka dhaxe ee Real Madrid.

ciyaaryahan ahaan iyo qof ahaanba, waxaan xulka kuwasda qaadanaya 10 sano, waa saaxiibka igu weyn kubada cagta, sidoo kale, marka aan hadleyno kama hadalno wax ku saabsan kubada cagta, waxaan ka sheekeysanaa arimo ku aadan qoysaska iyo caruurnimadeenii ayuu yiri Ivan Rakitic.

Sidaas daerteed isaga waa midka ugu horeeya ee ee ka ciyaara booskiisa ee aan u xulan lahaa Barcelona, inkastoo tayada gaar ah ee uu leeyahay wax badan ay ka sareyso ka ciyaarista qadka dhexe.

Luka Modric ayaa tan iyo markii uu ku biiray Real Madrid, waxa uu lasoo baxay awood gaar ah oo kubada uu ku ciyaaro Sida uu aaminsan yahay Ivan,

Real waxay leedahay ciyaartooy kala duwan oo khadka dhexe ka ciyaarta laakiin ninka reer Croatia waa midka ugu sareeya kooxda ka dhisan caasimada Spain sida uu aaminsan yahay Ivan Rakitic.

Waxaa loo tixgeliyaa ciyaaryahanka khadka dhexe ee adduunka ugu fiican, runtii, isagu waa riyo inaad la ciyaarto waa tababare mararka qaar.

Waxa uu dhameystiraa 88% baaska uu ka sameeyo garoonka, wuxuu xadkiisa dhaafaa 3.9 baas ciyaar kasta, waa mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya dunida oo dhan ayuu hadalkiisa raaciyay.

Andrea Pirlo, Paul Scholes iyo Xavi ayuu tusaal ahaan kala mid yhaay awooda kubadda cagta ayuu yiri Ivan Rakitic.

Waxaa jira su’aalo ku saabsan Luka Modric booskiisa iyo inuu yahay midka ugu fiican dunida. Laakiin, ciyaaryahan ahaan waxaa midka kaliya ee u ciyaari kara Barcelona ee waqtigaan katirsan Real Madrid ayuu yiri xiddiga Barcelona.

Waa 31 jir hadda Modric laakiin waa midka ugu sareeya wali ka ciyarista khadka dhaxe ayuu Ivan u sheegay saxaafada.

.

W/Q :BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment