2655 Views

Madaxweenihii horre ee wadanka Masar oo xabsiga lagsiidaaye

Madaxweenihii horre ee wadanka Masar oo xabsiga lagsiidaaye
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 24, 2017 –  Madaxweynihii hore ee waddanka Masar, Maxamed Xusni Mubaarak ayaa maanta xabsiga laga sii daayay.

Waxaa xabsigaasi la geliyay 2011 markii xukunka laga tuuray.

Waxaa lagu hayay cisbitaal milateri oo ku yaalla caasimadda Qaahira.

Go’aankan ayaa daba socda xukun ay horraantii bishan riday maxkamad, taasoo ku weyday dacwado la xiriirinayo dilka tobanaan dibed baxayaal ah oo ka qeyb qaadanayay mudahaaradyadii xukunka looga tuuray sanadkii 2011.

Mudadii la hayay, ayaa Mr Mubaarak waxa uu qaatay xabsi saddex sano ah, kaasoo uu ku mutaystay wax isdaba marin.

Qareenkiisa ayaa sheegay in aan loo oggolaanin wali inuu gurigiisa ku laabto.

.

W/Q :BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment