3231 Views

DAD AAN LOOGU TALA GELIN OO BOOBAYA “DEEQIHII ABAARAHA”!!.

____________________________________________________________________________

 

March 25, 2017

 

DAD AAN LOOGU TALA GELIN OO BOOBAYA “DEEQIHII ABAARAHA”!!.

 

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonyahay ee aan ka helnay Meelaha lagu qeybiyo Deeqaha loogu tala galay Abaaraha, ayaa la sheegayaa in aan la gaarsiin DEEQAHA dadkii Xaqa u lahaa ee soo barakacay, sababtoo ah waxaa Xerooyinka Buux dhaafiyey Dadweyne ka yimid XEREEYIN kale ama GURYAHOODA oo aan loogu tala gelin in la siiyo Deeqahan Gurmadka ah.

Waxaa la sheegayaa in dadka qaar ay si Xoog ah ku yimaadaan Goobaha ay joogan Barakacayaasha, dadka qaarna ay la leeyihiin XIRIIR HOOSE shaqsiyaad ka mid ah kuwa wax qaybinaya, taasina waxay dhalisay in dadkii dhibanaa aysan GAARIN deeqdii loogu tala galay, sida ay sheegeen qaar ka mid ah bara kacayaasha “ ma aysan helin Gurmadkii loogu tala galay, boobka lagu hayo dartiis, mana helaan Hoy iyo Raashin ay ku bad baadiyaan u badkooda.

Hadaba waxaa is waydiin leh, Away Dadkii loo dhibay Masuuliyada qaybinta deeqaha loogu tala galay Shacabka dhiban, maxaase loo kala SAARI wayey dadwenaha uyimid BOOBKA iyo kuwa DHIBAN, si loo ilaaliyo Amaanada loogu tala galay Shacbka Dhiban.

Sida Xaqiiqda ah dhibaatadan waxay Cadeyn iyo Tusaale u tahay in uu jiro Musuq Maasuq iyo Cadaalad daro lagu sameynayo shacabka dhiban, Hey Adihii Dowliga ahaana ay Raali ka yihiin, Xaqdarada ka jirta Xerooyinka ay ku nool yihiin bara kaca yaasha.

Ugu dambeyn waxaan lee yahay Lamaha dowlada ee kala duwan waa in ay u maamulaan Deeqaha si CADAALAD ah, si loo bad baadiyo Shacabka dhiban, dadka wax Boobayana ee wada SADBURSIGA,  waa in si deg deg ah looga qaado Talaaboyin waa faqsan SHARCIGA.

Waana WAAJIB in si Cadaalad ah loo maamulo DEEQAHA Gurmadka, si loo Tuso in si  Xaq ah loo gaarsiyey “transparency”, means easy to see” Deeqaha Gurmadka Shacabkii Mudnaa, si dadka aan weli wax dhiibin ugu dhiiradaan saa cidaada walaalahood.

walee cadaaladi ma dhawo inta Qof XAQIIS la siinayo Qof kale oo aan xaq u lahayn, iyadoo lagu edeynayo masuuliyiinta qaar in ay arimahan wax ka ogyihiin.

 

Allahayow  dad keenii  “Qaybaa darxumo eer sadoo ay naftuba daysey, ee inaan daryeelnaa  Bulshada waa  WAAJIB suggane”  ee Allow darxumadan  naga dulqaad Da’in baatahaye”  Amiin

 

W/Q Cumar Farax

Qaranimo-online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment