3777 Views

WAL WAL IYO WALAAC LAGA MUUJIYEY ANSIXINTA GOLAHA WASIIRADA.

____________________________________________________________________________

March 25/2017

 

WAL WAL IYO WALAAC LAGA MUUJIYEY ANSIXINTA GOLAHA WASIIRADA.

 

Somaalidu waxay tiraahdaa “Nin ku necebi  XANTAA og, nin ku jecelna  XOGTAA og”

Sida ay sheegayaan warar aanu ka helnay ilo muhuuim ah, waxaa jira wal wal iyo walaac badan oo ka jira Ansixinta Golaha wasiirada, sababtuna waxay tahay Xildhibanada qaar ayaa DIIDAN qaabka loo soo XULAY Golaha wasiirada, sidoo kale Xildhibanada qaar ayaa dadaal ugu jira sidii loo ANSIXIN lahaa Golaha wasiirada.

Sida ay wararka sheegayaan, waxaa si aada looga dareemayaa Hoteelada ay Xildhibaanada isugu yimaadaan, dhaqdhaqaaq is xulufeysi  ah ee ka dhex jira labada dhinac, iyadoo dhinacba dhinaca kale ku eedaynayo in ay Qaldalyihiin.

Waxaa kale oo ay wararka sheegayaan in Xildhibanada qaar ay ka Careysanyihiin Diidmadii loo diday in ay Galaan waqtii ay rabaan Xafiisyada  Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaraha,  waxaa intaasi dheer  Ra’isul Wasaare Kheyre in uusan kula hadlin Xildhibaanada Luqada ay fahmi karaan “diplomatic Language”, taasina waxay cadeyn u tahay in Kheyre uu u baahan yahay waqti uu ku barto xeeladaha looga dhaqmo Xarunta Madaxtooyada, waayo waxaa horey looyiri  Dhur waagii “Qaad qaad bartay, ka dhigay waa ku dhib”, waana arin Culeyskeeda leh, hadii aysan Shaqeyn Aqoonta iyo Qacliga suuban.

Hadaba waxaa is waydiin mudan Xildhibaanadii shalay TIXGELIYEY Codsigii dadwenaha, ee ahaa in ay doortaan Shaqsi wax tar u leh  Dalka iyo Dadka, maxaa keenay  manta  in lageliyo wal wal iyo walaac Kalsoonidii la sugaayey in ay labada Gole  siiyaan dhismaha Dowlada Cusub, si isla markaana loo dardar geliyo wax qabadka dowlada.

War iyo dhamaan Somaalidu waxay tiraahdaa “ 100 sano Dowlad Xumo ah, waxaa ka XUN hal habeen oo Dowlad  la ‘aan ah” ee Xildhibaanadow Fiiriya dhibaatada haysata SHACABKA Somaaliyeed idinkoo gudanaya waajibkii  idin sarnaa iyo Balantii aad qaadeen ee ahayd in aad mar warlab mudnaanta siin doontaan Danta Shacabka iyo Dalka.

Ugu dambeyn waxaan aminsanahay hadii DOODU ay tahay “Tayo malaha dowladan”  la soo dhisay, waxaa xaqiiq ah in ay Xildhibanada ka dhigi karaan dowlada mid Gudata waajibaadkii laga rabay, hadii Xildhibanada ula shaqeeyaan dowlada  si Aqoon iyo is faham leh, iyadoo mar walba Danta guud laga hormarinayo Danta gaar ahaaneed, si loo soo celiyo Sharaftii iyo karaa madii u madeena.

Xildhibaanadow ma waxaad rabtiin  “wax naftiina u fiican oo WIILASHIINA u XUN, mise wax Naftiina u XUN oo WIILASHIINA u FIICAN” ee maantay talada idin hortaal ee kala doorta CIZI Sharafleh ama CIIL iyo CARO raad ku reebta Shacabkiina.

Midna ogaada  “waari maysaane wax wanaagsan ka taga” idinkoo u cadaalad falaya u madiina.

Allow u madaada u soo adeeji  Xildhibaano Alla iyo Rasuulkiisa yaqaan ee aan ahayn Xil iyo Xoola doon  “Amiin Amiin”

 

W/Q Cumar Farax

Qaranimo-online.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment