4239 Views

Gudoomiyaha Aqalka Sare: ”Xildhibaanadu waa in ay fursad siiyaan wasiirrada cusub, haddii kale…”

Gudoomiyaha Aqalka Sare: ”Xildhibaanadu waa in ay fursad siiyaan wasiirrada cusub, haddii kale…”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 27, 2017 – Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa ka hadlay diidmada Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood ay kala hor yimaadeen Xukuumadda cusub ee Somaliya.

Cabdi Xaashi wuxuu sheegay inay muhiim tahay in Baarlamaanka Somaliya uu fursad siiyo xubnaha cusub ee Wasiirada Somaliya si nidaamka dowladnimo ee dalka horay u socod loogu muujiyo.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka wuxuu tilmaamay inuusa xal u arkin in laga hor yimaado Golaha cusub ee Xukuumadda wixii saxid ahna la eego marka ay shaqo bilaabaan.

“Xildhibaanada Baarlamanku waa iney xukuumada cusub siiyaan fursad ay ku shaqeyso, xalna uma arko in laga horyimaado iyadoo aan arkin waxqabadkeeda. nidaamka dowladnimada inaan ilaalino ayaa fiican.”Ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Xildhibaano gaaraya 105 Xildhibaan ayaa Warqad cabasho ah u qoray Ra’iisal Wasaaraha dalka, iyaga oo ka dalbanaayay in dib loogu noqdo Golaha Xukuumadda Somaliya qaab dhismeedkeeda,

Golaha Wasiirada Somaliya oo magacaaban, ayaa sugaya codka kalsoonida Baarlamaanka si ay u shaqo bilaabaan, balse waxaa laga hor keenay olole xoogan oo lagu diidan yahay.

RW Xasan Cali Kheyre, ayaa laga sugayaa inuu ka jawaabo talo soojeedinta ay sameeyeen xubnaha Baarlamaanka ee diidan Xukuumadda cusub.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment