8220 Views

Kulan ay yeesheen M/weyne Farmaajo iyo RW Khayre, gudoomiye Jawaari oo ka…

Kulan ay yeesheen M/weyne Farmaajo iyo RW Khayre, gudoomiye Jawaari oo ka…
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 27, 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada kula kulmay inta badan Golaha Wasiirada ee magacaaban.

Kulankaan oo la sugaayay loogana yeeray Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka cudur daartay kasoo qeyb galkiisa,  balse waxaa bedelkiisa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi C/laahi.

Kulankaan ayaa layskaga wareystay diidmada ay Xildhibaanada qaarkood ka keenayn wadada loo maray magacaabista Golaha Wasiirada ee Xukuumadda iyo sida ugu haboon ee looga falcelin karo.

105 Xildhibaan, ayaa Guddoonka Baarlamaanka u gudbiyay in Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu dib ugu noqdo magacaabista Golaha Wasiirada, iyagoo ku andacoonaya inaanan magacaabistooda lagu salayn nidaamka awood qaybsiga beelaha ee 4.5.

Xildhibaanadan, ayaa waxay sheegeen in sad-bursi loo sameeyay beelaha qaar, halka kuwo kalana la qadiyay, sidaasi daraadeedna ay dalbanayan ka hor inta aan Baarlamaanka la horkeenin in dib loogu laabto Golaha Wasiirada.

Wada hadal iyo fallanqayn dheer ka dib, ayaa waxay dhinacyadan isu waafaqayn inaanan waxba laga bedelin Golaha Wasiirada, ha yeeshee Wasiir kasta laga doonayo in uu raadiyo kalsoonida Xildhibaanada diidan.

Tani, ayaa waxaa loo fasirtay in Farmaajo iyo Khayre ay garowsadeen inaanan la dhayalsan karin hujuumka ka soo fuulay Xildhibaanada, isla-markaana ay xasaradan siyaasadeed si buuxdo u soo geliyen Golaha Wasiirada ee magacaaban, xilli 43 ka mida Wasiirada ay yihiin Xildhibaano.

Xildhibaan Idiris Cabdi Takhtar oo ka mid ah Xildhibaanada ka biyo diidan Golaha Wasiirada cusub, ayaa sheegay in ay soo badanayan Xildhibaanada saluugsan Wasiirada magacaaban.

Si kastaba ha’ahaatee, 31-ka bishan, ayaa Ra’iisal Wasaare Khayre loo qabtay in kama dambeys uu Golihiisa Wasiirada ku horkeeno Xildhibaanada Baarlamaanka.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment