2928 Views

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo xariga ka jaray Wado loogu magac daray Dr. Kadare

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo xariga ka jaray Wado loogu magac daray Dr. Kadare
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 27, 2017 – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta furay wado laami ah oo maamulka gobolka Banaadir uu dib u dayactir ku sameeyey, taasoo loogu magac daray Dr. Xuseen Sheekh Axmad (Kadare) oo ka mid ahaa aqoonyahanada udub dhexaadka u ahaa dhaqanka iyo afka Soomaaliga.

Guddoomiyaha Gobolka Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay munaasabada xarig jarka wadadan ayaa xusay in kharashka lagu dhisay wadadan ay iska soo uruuriyeen maamulka gobolka iyo ganacsatada gobolka Banaadir.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee gartay inay jeebkooda ka dhisaan qeybo ka mid ah dalka, ayna tahay wax lagu faano in dadka Soomaaliyeed oo is kaashanaya ay dib u dhistaan goobihii ku burburay dagaaladii dalka ka dhacay.

“Waxaan isugu nimid inaan furno maanta wado ay dhisteen oo furteen shacabka Soomaaaliyeed, kharshadkoodana ay iyagu bixiyeen, qiimo gaar ah ayay noo leedahay, waxayna muujineysaa in shacabku garteen in aysan jirin cid u maqan oo ay isku haleeyaan, balse ay iyagu gacmaha is qabsadaan dibna u dhistaan dalkooda” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo ka hadlayay munaasadaasi.

Dr. Xuseen Sh. Axmad Kadare ayaa ka mid ahaa aqoonyahanadii dalka soo maray, wuxuu caan ku ahaa suugaanta, horumarinta afka Soomaaliga, cilmi baarista dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed.

rw-khayre-wadada-dr-kadare-1 rw-khayre-wadada-dr-kadare-2rw-khayre-wadada-dr-kadare-5 rw-khayre-wadada-dr-kadare-4 rw-khayre-wadada-dr-kadare-3

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment