4575 Views

Mudane Jawaariyow ogow aduun laguma raagee “Nabadu Waa Qaali” !!!

Mudane Jawaariyow ogow aduun laguma raagee “Nabadu Waa Qaali” !!!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | March 28, 2017 | Aduun laguma raagee Nabbadu waa qaali, Cizi iyo Amaan baa lagu mutaa aan la wada heline, Akhirana laba jid uun baa jirtee waa Janniyo  Naare,  Qabriga iyo Qiyaamaha Su’aal baa jirtee hala ogaado, Cabsi iyo Colaad baa lagu saliday Ciidi Soomaali, ee CAZIIZKII ama Rabigii carshiga NUURIYOW waanu kuu cabbane.

Sida la wada ogyahay, maal mahan dhamaan Saxafada waxay aad u hadal heysay Magaca Gudoomiyaha Baarlamanka Mudane, Maxamed Cismaan Jawaari, sababtuna waxay tahay Mudane, Jawaari oo diidan  qaabka loo soo xulay Golaha wasiirada cusub.

Hadaba arintani waxay aad u dhawacday Qalbiga shacabka Somaaliyeed oo intooda badan Aaminsaa Mudane, Jawaari in uu yahay shaqsiyaadka fara kutiriska ah ee ka haray Halyeyadii Somaaliyeed, laakiin arintan waxay noqotay NABAR aan la fileynin, sida ay wararka SAXAFADA qorayaan ee ah hadal heynta Mudane, Jawaari, horaa looyiri “nin aduunyo joogow, maxaa aragti kuu laaban”.

Shacabku waxay aad ugu kalsoonayeen Mudane, Jawaari in uu yahay, shaqsiga kaliya ee looga dambeeyo in uu dhiso hogaan ku dhisan sinaan iyo cadaalad, si loo soo celiyo Sharaftii iyo karaamadii umada Somaaliyeed, maadaama uu yahay oday Somaaliyeed oo dhinac kasta u matali kara bulshada, si loo gaaro XALKA umada Somaaliyeed.

Ugu dambeyn waxaan leeyahay Mudane, Jawaariyow waxaa tahay Odey Somaliyeed, waxaa tahay Hogaamiye Somaliyeed, waxaa tahay aqoonyahan Somaliyeed, waxaa tahay waaya arag iyo wax garad Somaliyeed ee manta kala dooro Taariikh Magac leh iyo Taariish Mugdi ah, waayo waxaad ogtahay Somaali manta waxa lagu DHAQO ama Lagu Maamulo XAQ maahane waa XAL, sababtoo ah waxaa QALAD ah in umad dhan lagu maamulo 4.5 mana aha Xalka dhabta ah ee loo bahan yahay, si umadeena loo gaarsiiyo Sinaan iyo Cadaalad dhab ah.

War iyo dhamaan waxaan kaa codsanayaa in aad fiiriso Dhibka ka imaan kara, hadii baarlamaanka DIIDO in la Ansixiyo Dowlada iyo Faa’idada ka imaan karto, hadii la ogolaado Dowlada, waayo Somaalidu waxay tiraahdaa “xasuustaa ma xariirsho”, waxaana xaqiiq ah hadii aad si dhab ah uwada shaqeysaan adiga iyo Madaxweynaha in aad ka guul gaari kartaan horumarka dowlada.

Idinkoo fiiriniya duruufaha adag ee lagu jiro, waxaan leeyahay hashaqeyaano Aqoonta iyo Caqliga suuban, horaana looyiri meeshii laba MAROODI ku dagaasho “cows baa ku baa ba’a” ee hala fiiriyo Danta Dalka iyo Dadka, idinkoo Alla ka baqaayo.

Midna ogaada Qilaafkiinu waa “Guusha Cadowga” iyo dhiiri gelinta Nabad la’aanta, Shacabkuna waxay aaminsanyihiin ninkii Somaali Danaheeda hor istaaga in uu yahay Shaqsi la shaqeeya Cadowga umada, waxaana xusi doonto Taariikhda.

dar daarankeygu waa “daryeelow dadaal, dumiyow nadaa”

W/Q Cumar Farax

Qaranimo-online

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment