2865 Views

Mid ka mid ah heshiisayadii madaxweyne Uhuru iyo Farmaajo dhowaan wada galeen oo maanta la dhaqan geliyay.

Mid ka mid ah heshiisayadii madaxweyne Uhuru iyo Farmaajo dhowaan wada galeen oo maanta la dhaqan geliyay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | March 28, 2017  (QOL) — Duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa maanta si toos ah u billowday, ayada oo diyaaradii ugu horeysay ee ku wajahan Nairobi ay ka duushay garoonka Aadan Cadde.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay kulankii baarlaamanka ee kalsooni siinta xukuumadda, ayaa sheegay in tani ay tahay guul-weyn uu usoo hoyatay Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in tani macnaheeduu uu yahay in hadda kadib dadka Muqdisho ka dhoofaya ay si waqti gaaban oo sharaf leh ay ku tagi doonaan Nairobi, ayaga oo aan sii mari doonin magaalada Wajeer.

Isku furka duulimaadka labada magaalo ayaa ku yimid heshiis ay 23-kii bishan magaalada Nairobi ku gaareen madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waa markii ugu horreysay muddo 10 sano ah ee duulimaad toos ah uu dhex maro magaalooyinka Muqdisho iyo Nairob.

.

.

W.Q:BASHIIR BARRE ALI

__________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment