3750 Views

Mudane katirsan Golaha Shacabka oo Isu Soo taagay Qabashada xilka Madaxweeninimo ee Galmudug

Mudane katirsan Golaha Shacabka oo Isu Soo taagay Qabashada xilka Madaxweeninimo ee Galmudug
____________________________________________________________________________

March 28 (QOL)— Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa qorsheynaya inuu isku sharraxo xilka Madaxweynaha Maamulka Galmudug, iyadoo uu wada tashiyo uu la leeyahay kooxdiisa iyo dhinacyo kala duwan.

Ilo wareedyo ku dhow Mr Fiqi ayaa xaqiijinaya in maalmaha soo socda uu si rasmi ah u shaacin doono damaciisa xilka Madaxweynaha Galmudug.

Munaasabad dhowaan ka dhici doonto magaalada Muqdisho ayuu Fiqi ku soo bandhigi doonaa Musharaxnimadiisa, sida ay xaqiijinayaan dad isaga ku dhow.

Olole looga dalbanayo inuu isku soo sharaxo xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa dhalinyaro ku heyb ah ka wadeen Baraha Bulshada ee Facebook, iyadoo markii dambe dhalinyaro qaar ay barahooda ku soo qoreen inuu codsigooda ka aqbalay.

Sawiro lagu muujinayo Musharaxnimadiisa ayaa lagu faafiyay baraha bulshada, waxaana tana ay ka dhigan tahay in Xildhibaan Fiqi ay u tahay mid dhiira gelin iyo bilow ololihiisa doorasho.

Amb. Fiqi oo ka mid ah kaadiriinta Xisbiga Daljir ayay u badan tahay in mar kale kooxdiisa ku qamaaraan doorashada Madaxweynaha Galmudug oo sanadkii 2015 looga soo adkaaday, xilligaasoo C/kariin Guuleed uu ka guuleystay Axmed Fiqi wareegii labaad ee doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Dad badan ayaa aaminsan in xilka Madaxweynaha Galmudug ay u tahay Xisbiga Daljir meel ay dib saaxada siyaasada ugaga soo muuqan karaan, maadaama hal bacaad lagu lisay uu noqday Ololihii ay hoggaaminayeen ee Is bedel doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya.

Daljir ayaa sidoo kale u aragtay xilka Madaxweynaha Galmudug, meel ay cadkooda ku dhacsan karaan, culeys siyaasadeedna ku abuuri karaan Madaxweyne Farmaajo, maadaama sida la sheego balamo uu uga baxay, hami badan oo ay ka lahaayeen inay xilal ka helaan Golaha Wasiiradana ka waayeen.

10-ka bisha April ee soo socota ayuu qorshuhu yahay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Galmudug, waxaana degmada Cadaado ka socda diyaar garow ku aadan doorashada.

W/Q;BASHIIR BARRE ALI

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment