6471 Views

DAAWO SAWIRAD :Ra’iisul Wasare Kheyre Oo Casha Sharaf U Sameyay Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya

DAAWO SAWIRAD :Ra’iisul Wasare Kheyre Oo Casha Sharaf U Sameyay Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Casho sharafta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaana ku dheeraaaday muhiimadda ay leedahay in ay isku xirnaadaan hay’adaha Dowladda si dalka wadajir loogu gaarsiiyo horumar.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xukuumaddiisa ay muhiimad siineyso arrimaha bani’aadanimada iyo gurmadka abaaraha.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa shalay si aqlabiyad leh u ansixiyay Xukuumadda iyo barnaamijkeeda, waxaana meel marisay 224 Xildhibaan, taasoo aheyd tiradii ugu badneyd ee lagu meel mariyo Xukuumadda.

W/Q: BASHIIR BARRE ALI

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment