5070 Views

DAAWO SAWIRADA :Boqorka Jordan Oo Lakulmay Madaxweene Farmaajo

DAAWO SAWIRADA :Boqorka Jordan Oo Lakulmay Madaxweene Farmaajo
____________________________________________________________________________

March 30 (QOL)— Boqorka Jordan ayaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Farmaajo, isagoo balan qaaday in Boqortooyada Haashimiga ah ee Jordan si dhow ula shaqeyneyso dowladda cusub ee Soomaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mahad celiyay soo dhoweynta uu u sameeyay Boqorka, waxaana uu xusay in Jordan iyo Soomaaliya ay yihiin labo dal oo cilaaqaad soo jireen ka dhaxeeyo.

Labada Mas’uul ayaa isla qaatay sidii loo joogteyn lahaa xiriirka saaxibtinimo ee labada dal, sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday in Boqortooyada Jordan ka qeyb qaadato arrimaha gurmadka abaaraha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad dheer ka jeediyay shir madaxeedka Carbeed, isagoo ka hadlay caqabadaha xilligan ka jira Dunida Carabta, iyo sida lagama maarmaan u tahay in caqabadahaas looga gudbo midnimo.

Shir madaxeedka Carbeed ayaa lagu soo hadal qaadin xaalada Soomaaliya, iyadoo ajandayaasha ugu waa weyn ay tahay arrimaha bariga dhexe, colaada Falastiin iyo Israa’iil, iyadoo Carabta ay tilmaameen in Falastiin oo noqoto dowlad ay sahli doonto in nabad iyo xasilooni ka dhalata Bariga Dhexe.

 W/Q:BASHIIR BARRE ALI
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment