3300 Views

DHAGAYSO: Kulan looga hadlayay hormarinta Waxbarashada Soomaaliya oo ka dhacay Muqdisho

DHAGAYSO: Kulan looga hadlayay hormarinta Waxbarashada Soomaaliya oo ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 30, 2017 (QOL) — Kulan looga hadlayay Hormarinta waxbarashada Naafada Soomaaliya oo ay soo qaban qaabiyeen Dugsiga Indhoolayaasha Al-Nuur iyo Jaamacadda Plasma ayaa maanta waxaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Waxaa ka soo qeyb galay kulankan Maamulada Iskuulka Al-nuur iyo Jaamacadda Plasma, Macalimiin, Aqoonyahano,Abwaano, Ganacsato Haween iyo marti sharaf kale.
Gudomiye ku xigeenka Jaamacada Plasma ee Magaalada Muqdisho Maxamed Sheekh Cumar oo daah furay kulankaas ayaa ka hadlay ujeedka kulankaas, waxaana uu ka qayb galayaasha kula dardaamay in la caawiyo dadka baahiyaha gaarka qaba.

Maamulaha Dugsiga Indhoolayaasha Al-nuur C/fataax Maxamed Daahir ayaa shegay in dadka araga la’ ay hada sameynayaan hormar dhanka waxbarashada islamarkaana ay u baahan yihiin taageero intaan ka badan oo heer caalami ah.

Muuse Xasan Axmad oo ka mid ah barayaasha Dugsiga Dhagoolayaasha AL-SUM ayaa bulshada Soomaaliyeed ku dhaliilay in aysan taageerin dadka araga la’ isagoo ka hadlay takoorka ay kala kulmaan bulshada inteeda kale.

Dadka naafada ee Soomaaliyeed ayaa hada ka soo kabanaya waxbarasho la’aan ku heysatay Soomaaliya kadib markii la furay iskuulo aan sidaas u badneen oo wax lagu baro dadka naafada ah.

HALKAN KA DHAGAYSO CODKA 

SAWIRQAADE : BASHAR CABDI MAXAMAD 

w1 (1)w1 (2)w1 (3)w1 (4)w1 (5)w1 (7)w1 (8)w1 (10)

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment