4923 Views

Maamulka Gobolka Gedo oo saluugay ciidamada Itoobiyaanka ee jooga Gobolka…

Maamulka Gobolka Gedo oo saluugay ciidamada Itoobiyaanka ee jooga Gobolka…
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 31, 2017  – Warar aanu ka heleyno maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Taliyaha ciidank Dowlada Federaalka ee Gobolkaasi uu sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gobolka una joogo xasilintda iyo ladagaalanka argagixisada ay ka caga jiidayaan in ay ka mid nodaan ciidamada la dagaalama argagixisada Al-Shabaab ee ku sugan gobolka.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka militeriga Soomaaliya ee u xilsaaran ladagaalka Argagixisada ayaa sheegay in kulan ama wada hadal uu lasameeyay taliya ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka inuu sheegay in shaqadoodu aysan aheyn la dagaalan argagixiso balse ay tahay sugida amaanka gobolka.

Sarkaankaan ayaa cadeeyay in sidoo kale Ciidamada Ethiopia ay dhibaatooyin kula kacaan Shacabka Gobalka Gedo.

Dhibaatooyinka ay Ciidamada Ethiopia ku hayaan Shacabka ayuu sheegay inay kamid tahay dhac, Boob iyo inay ka qaatan lacago baad oo sharci darro ah.

Ciidamada Ethiopia oo qeyb ka ah howlgalada AMISOM ayaa G/Gedo u jooga sugida amniga iyo inay la dagaalamaan Al-shabaab, hase yeeshee waxaa muuqaneysa in halkaasi ay ka wadaan Boob baahsan oo ay ku hayaan dadka shacabka.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment